Shirwaynaha G20 Oo Laga Cabsi Qabo in Laga Gaadhi Waayo Go,aano Dhaxal Gal Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirwaynaha G20 Oo Laga Cabsi Qabo in Laga Gaadhi Waayo Go,aano Dhaxal Gal Ah
December 1, 2018 - Written by Wariye:

g20Hargeisa(WJN):-Hogaamiyeyaasha dunida ayaa furitaanka kulankooda G 20 ku bilaabay khilaaf iyo is afgaranwaa, taas oo sii kordhinaysa cabsida laga qabo in shirkaan ka dhacayo dalka Argentina uu ku guul dareeysto in uu ka soo baxo heshiis kama dambeeys ah.

Madaxda ayaa waxa ay aad ugu kalaa qeeybsameen mowduucyada isbedelka cimilada, ganacsiga iyo dilkiI loo geystay weriye Khashoggi.

G-20 waxaa ku bahoobay ilaa 19 dal oo ah kuwa ku hormaraya dhanka warshadaha iyo Midowga Yurub.

Shirka wadamadaan ayaa waxaa la bilaabay sanadkii 2008-dii waxa ayna xubnaha ka tirsan fursad u siinaysaa in ay ku xalliyaan arrimaha siyaasadda ee ugu waaweyn oo markaasi tagan.
Aminga magaalada Buenos Aires oo uu shirka ka dhacaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo maalintii jimacahana laga dhigay maalin fasax ah, waxaana la xiray dhamaan ganacsiyada waaweyn ee magaalada.

Dibedbaxayaal ka careeysan lacagta lagu kharash gareeyay shirka ayaa isugu soo baxay banaanka goobta uu ka dhacayo kulanka.

Dhanka kalana Mareeykanka iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal ganacsi oo saameeyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha dunida.

Madaxweynaha Mareykanaka Donald Trump iyo dhigiisa Shiinaha ayaa markii ugu horeeysay kulmi doona tan iyo markii canshuuraha lagu kordhiyay badeecadaha isaga kala goosha labada dal.

Mareykanka ayaa shiinaha ku eedeeyay in ganacsigiisa uusan ahayn mid cadaalad ku saleeysan halka shiinuhuna uu Mareeykanka ku eedeeynayo in uu isku dayo in uu xakameeyo kobaca dhaqaalihiisa ku saleeysan sharciga.

Ka hor kulanka cashada ee labada madaxweyne ayuu Mr Trump sheegay, in ay wanaagsanaan lahayd in ay heshiisa ka gaaraan khilaafka ganacsiga ee labada dal.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye Akadir Habbane

COMMENTS
LINKS