Shirkii Heritage Ee Jabuuti oo La Soo Gaba-gabeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkii Heritage Ee Jabuuti oo La Soo Gaba-gabeeyay
December 17, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Magaalada Jabuuti waxaa maanta lagu soo gebagebeeyey Madasha Aragti wadaagga Soomaalida, oo ay soo qaban-qaabisay machadka daraasaddaka siyaasadda ee Heritage.

Madashan ayaa waxaa ka soo qeybgaley Soomaali ka badan 150 qof oo isugu jira, Aqoonyahano, Suxufiyiin iyo Siyaasiyiin ka kala yimid dhammaan daafaha dunida.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayey danaha ka dhaxeeya dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee Geeska Afrika iyo horumarintooda.

Xubnihii ka qeyb-galay shirka oo la sawiran madaxweynaha Djibouti Ismaïl Omar Guelleh.

Saddexdii maalmood ee uu shirka socday, ayaa dhowr guddi oo kala duwan waxa ay falanqeeyeen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga gobolka Geeska Afrika, Is-dhexgalka Soomaalida iyo waxa wada-qabsigooda, arrimaha dhaqaalaha, iyo ammaanka gobolka sidii loo sugi lahaa.

Guddi kasta oo ka koobnaa afar qof, ayaa marka ay soo gudbiyaan warbixintooda kadib, waxaa su’aalo weydiinayay dad gaadhaya 150 qof oo shirka joogay.

Ugu dambeyntii ayaa waxaa 12-kii duhurnimo ee maanta shirka soo xidhay madaxweynahadalka Jabuuti Ismaaciïl Cumar Geele.

COMMENTS
LINKS