|
|||||
WAJAALE NEWS
Shacabka Degmada Tog-Wajaale Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Talaabooyinka Ay ka Midaysan Yihiin Madaxda Booliska, Xeer Ilaaliyaha Iyo Maxkamada Degmadu!
December 11, 2018 - Written by Editor:TOGWajaale(W,N):-Magaalo Ganacsiyeeda Tog-Wajaale Ee gobolka gabiley oo ku TaalaGoob Xasaasi Ah Una Dhaxaysa Xadkalabada Dawladood ee Somaliland iyo Dalka Itoobiya, Inkastoo In Badan Isbadalmaamul lagu Sameeyey Dhinacyada Kala Duwan ee Laamaha Booliska iyo GarsoorkaHaddana Wali Waxa Jira Talaabooyin sharciga baal maran oo Bulshada ku dhaqan deegaanka tog wajaale sida fiinta uga qayliyeen qaybaheeda Kala Duwani. Kuwaasoo ka Dhigay In Qaybaha Bulshada ee kala duwani noqdaan kuwo cabudhsan oon Cabasho ka Muujin Karin Culeyska soo Wajaha iyagoo Cabsi Weyn ka Qaba CadaadisKagaga yimaada Maamulka degmada ama in Xadhig Loo Gaysto. Ganacsiga Kala Duwan ee Ka socda Magaalada, isna waxa jira Tacadiyo lidku ah horumarka magaalada ka socda oo Si dadban lagula kaco Maxaabiista lasoo xidho. Arimahan sharciga baalmaran kana hor imanaya xuquuqda muwaadiniinta reer somaliland uu siiyay dastuurku ayaa lagu sheegay in uu hormuud uyahay taliyaha booliska ee wajaale kaasi oo saamayn badan ku yeeshayhaayadaha kale ee wada shaqayntu ka dhaxayso Sida Xeer ilaalinta iyo Masuuliyiinta Maxkamada gobolka gabiley. Taasi oo Sababtay in Go’aada kasoo fulayaa Xukunada Dadka Lasoo Xidhaa Noqdaan Kuwo ka fog Cadaalada, Waxa jira arrimo ugub ah oo ku cusub degmada oo aan hore uga jiri jirin. Dadka Lasoo Xidho ee loo haysto danbiyada kala duwan haddii ay yihiin ganacsatada gaadiidleyda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada qofwalba waxay ku xidhan tahay sida uu ula macaamilo in lasii daayo oo uu xoriyadiisa dib helo, Dadka Qaar Ayaa Lagu siidaayaa Ganaax lacag ah oo loogu bedelo xadhiga ama xukun ay ku rido maxkamadu, iyadoo sida ilo xogo-ogaal ah oo aanu helay noo xaqiijiyeen in dadka qaar maxkamada la horgeeyey oo kiiskooda la dhegaystay haddana laga siidaayey saldhiga kadib markii ay bixiyeen xadigii lacagta ganaaxa ahayd ee lagu xukumay ama Taa Badalkeeda ay sugaan in dib loogu celiyo maxkamada oo lagu rido xukun xadhig ah, Qorshehaas oo ah mid inta badan ay ka wada socodaan taliyaha degmada oo ah masuulka maxbuuska ganacta ku haya iyo xeer ilaaliyaha oo ah wakiilka xeer ilaalinta u qaabilsan Dacwad oogsita Danbiilayaasha,iyo Gudoomiyaha maxkamada oo isna ah masuulka ka garsoora danbiyadaasi. Balse ay Xaqiiqada Jirtaa tahay in Wada Shaqeyn toosa oo Qaawani ka Dhexeyso Sadexdan masuul. Magaalada Wajaale oo Ah Magaalo ganacsiyeed Dhaqdhaqaaqeedu aad u badan yahay islamarkaana ah goob xasaasiya oo Isusocodkeedu badan yahay kana Dhacaan Kiisas Aad u Tiro weyni, Haddana ma JiroHal garsoore oo ku Qoran Degmadaasi, kaliya Waxay u Xaniban tahay Degmadu In ladhegaysto Ama maxkamada La geeyo Dadka Lasoo Xidho Wiigii Laba jeer oo uutago Gudoomiyaha Maxkamada Gobol Degmoee Gabiley, Halka ay Garsooreyaasha Ku Qoran gobolka ay Ay tiradoodu kor u dhaafaysoQiyaasii ilaa 13 Garsoore, mana jiro garsoore kamida 13kaa garsoore oo dacwadka gali kara degmada Wajaale ama lagu qoraa aan ka ahayn Gudoomiyaha maxkamada. SawirkanHoos idiinka Muuqdaa Waa Qolyar oo la Noogu Sheegay Inuu yahay MaxkamadaDegmada ee Wajaale, Waxaa Silsilado Ku taxan Ku Dhawaad ilaa Tobaneeyo rag ahoo loo haysto kiisas kala duwan,
Waxaa Kamida Raga Qaar Loo haysto in lagu Qabtay iyagoo Sita Cabayana Xashiishad,Sidaana Maxkamada lagu horkeenay, halka uu eedaysanaha lagu Soo Eedeeyey Danbigani Ku Doodayo isna “Anuu Xashiishada Waan Soo iibsadee Mee Cidii Iga Iibisay Waan idiin Sheegay oo Waa Lasoo Xidhay Oo hadda Waa Lasii Daayee, Maxaaisaga loosii daayey isagaaba ka ganacsanayee ee aniga laygu haystaa mise isagu Waxa uu Bixiyey Ganaaxii (oo macnihiisu yahay “Laaluushkii)…”. Falalka Noocan Ah ayay Dadka Xog’ogaalka u ahi degmada ku macneeyeen kuwo ah Nidaam ka Ganacsi Dadka ah oo ay ku midaysan yihiin masuuliyiinta aynu kor kusoo sheegnay. Iyagoougu Baaqay Laamaha Kala Duwan ee ay Hoostagaan masuuliyiintani Awoodana U leh Wax ka Qabashooda in Si Waafaqsan Shuruucda iyo Nidaamka Dawladnimo Wax looga qabto arrimahan. Madaxweynaha Qarankuna Mudane Muuse Biixi Cabdi uu Kula Xisaabtamo Saraakiisha Loo Magacaabayo gobolka iyo degmadaba. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|