|
|||||
WAJAALE NEWS
Sacuudi Carabiya oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Ilhaan Cumar
December 15, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa qorsheynaya iney loollan adag galiyaan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaasoo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar. Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee Soomaaliya ka soo jeedda, isla markaana xijaabka xidhata. Haweeneydan oo garabka heleysa xisbigeeda ayaa u xusul duubeysa in meesha laga saaro sharci 180 sano jirsaday oo aqalka Koongareeska ka mamnuucaya in ay soo galaan dadka uu madaxa u daboolan yahay. Baadari lagu magacaabo E.W. Jackson oo ka mid ah dadka u hadla xisbiga Jamhuuriga Mareykanka ayaa isagoo ka jawaabaya isku dayga ay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga ku doonayaan in xijaabka lagu galo aqalka hoose waxa uu raadiyaha ka sheegay in dadka Muslimiinta ah ay doonayaan iney Koongareska ka dhigaan “Jamhuuriyad Islaami ah”. Hase ahaatee, gudaha Mareykanka oo kaliya ma aha meelaha uu ka imaanayo dagaalka lagula jiro Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, oo iyadana ah gabadh muslim ah oo asal ahaan ka soo jeedda Falastiin, balse waxaa jira dagaal kale oo dibadda uga imanaya. Weerarro la soo qabanqaabiyay ayaa looga soo qaaday dalalka kala ah Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ayaa sare u sii qaadday shaki xooggan oo ay warbaahinta bariga dhexe ka muujinayeen siyaasiyiinta u doodda xuquuqda dadka ee ka howlgala Mareykanka. Hay’adaha Warbaahinta ee la dhacsan hannaanka maamulka dowladaha Khaliijka ayaa marar badan ku celceliyay eedeymo ay u jeedinayeen Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib, iyagoo sheegayay iney labadaas gabdhood ee hadda ka tirsan Koongareska si toos ah u taageeraan ururka Ikhwaanul muslimiin ee laga mamnuucay dalka Masar. Ururkaas ayaa sidoo kale cadow la ah Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta. Maalintii Axada ahayd ayuu Telefishinka laga leedahay dalka Sacuudiga ee Al-Carabiya ayaa wuxuu baahiyey muuqaal uu ku sheegay in Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ay qeyb ka ahaayeen isbahaysi u dhexeeya xisbiga Dimuqraaddiga iyo kooxaha islaamiga ah,ayna doonayeen iney la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Maqaalkaas ayaa labada siyaasi ku eedeeyay iney yihiin “dad ka soo hor jeeda madaxweyne Trump iyo siyaasadihiisa, gaar ahaan qorsheyaashiisa arrimaha dibadda ee ku aaddan cunaqabateynta Iiraan, xayiraadda ururka islaamiga ah ee Ikhwaanul Muslimiin iyo dhammaan ururrada siyaasadeed ee islaamiga ah”. Tusaale kale oo arrintan la xidhiidha ayaa soo baxay, kaddib markii barnaamij dood wadaag ah lagu qabtay telefishinka ay leedahay dowladda Sacuudiga ee MBC, kaasoo looga dooday guusha haweenka xisbiga Dimuqrdaaddiga iyo sida ay xaaladda u adkaan karto marka ay xisbigaas la wareegaan maamulka aqalka Koongareeska. Wariyaha caanka ah ee lagu magacaabo Amr Adib ayaa dooddiisa ku marti qaaday siyaasiga rug caddaagaah ee u dhashay Masar ee lagu magacaabo Moataz Fattah, kaasoo sheegay in guulihii uu madaxweyne Trump ka gaadhay la dagaallanka kooxaha islaamiga ah ay wiiqi doonaan siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ee la wareegay aqlabiyadda Koongareeska. Ilhaan oo dhawaan loo doortay xildhibaannimada Koongareeska, oo ay ku mataleyso xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka, ayaa ah gabadh muslim ah oo ka soo jeedda Soomaaliya labiskeedana uu ka mid yahay khamaarka madaxa lagu daboosho, balse waxaa jira xeer u yaalla aqalka ay ku biirtay oo ku qasbaya iney iyadoo madaxeeda qaawan yahay gasho golaha. Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa iyaguna taariikhda ku galay iney noqdaan gabdhihii muslimiinta ahaa ee markii ugu horreysay abid ku biiray aqalkaas, waxaana laga soo doortay isla xisbiga Dimuqraaddiga. Source: BBC Somali COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|