Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Pakistaan oo Lagu Riday Xukun 7-sanno Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Pakistaan oo Lagu Riday Xukun 7-sanno Ah
December 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Maxkamadda la tacaasha dambiyada musuq maasuqa dalka Pakistaan ayaa toddobo sanno oo xadhig ah ku ridday ra’iisal wasaarihii hore ee dalkaasi, Nawaz Shariif kaddib markii loo haystay dacwado la xidhiidha musuq maasuq.

Maxkamadda ku taalla Islamabad ayaa sheegtay inuu sameeyay maalgelin ka badan hantida uu haysta oo uu shaaca ka qaaday.

Markii maanta ay maxkamadda go’aanka gaadheysay waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka halkaasi.

Nawaz Shariif wuxuu beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, bishii July ayaa loo xidhay eedeymo musuq balse waxaa maxkamadda racfaanka ay ku sii daaysay damaanad markii maxmakadda musuq maasuqa Islamabad ay xukuntay 10 sanno oo xadhig ah bishii September.

Xisbiga uu hoggaamiyo Shariif waxaa looga adkaaday doorashadii bishii July ka dhacday dalkaasi, xilliggaasi uu isaga xabsi ku jiray.

 

COMMENTS
LINKS