|
|||||
WAJAALE NEWS
Qodobo Laga Soo Saaray Shirkii Nabadaynta Beelaha Koonfurta Gobolka Sool
December 7, 2018 - Written by Reporter:Jig Jiga (WJN)- Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Jig Jiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu soo afjaray heshiisiinta labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhexmartay deegaaanka Dhuumay ee koonfurta gobolka Sool. Dhinaca kale Nabadaynta labada beelood ee colaadoodu soo jiitamaysay mudada dheer waxaa ka qayb qaatay Madax-dhaqameed iyo Waxgarad ka soo kala jeeda Somaliland, Soomaaliya iyo Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Iyadoo loo xil saaray gudi ka kooban 25 qof iyo min 21 ergey oo labada reer ee (Bahrarasame & Cabdi Garaad). Halkan hoose ka akhriso qodobada laga soo saaray. 1: In la bixiyo dhamaan wixii mag ah ee labadan beelood ay isu gaysteen oo ah 170 qof , lagana dulqaado culayska magtan . Waxana bixinaya Beel waynta Daarood . 2: Mudada lagu bixinayo magtanina waa 12 bilood ama sanad , qofkii Waxaa la xisaabinayaa 50 halaad. 3: Dhaawac labada beelood waxaa loo xilsaaray in ay soo xaqqaan Gudiga Culimada gobolka Sool ,waxaana bixinaya labada beelood dhexdeeda mudada ay howshaa ku soo dhamaynayaana waa 6 bilood gudeheed. 4: Wixii khasaare guryo la gubey iwm waxaa loo dirayaa guddi howshaa soo qiimeeya . 5: Beel Waynta Bahrarsame Waxaa lagu ganaaxay in ay bixiso 200 oo Halaad iyo 48,000 $ oo duug ah mudada ay ku bixinayso 200 ee halaad waa 6 ilood lacagta duugta ahna waa 20 maalmood . 6: Beelwaynta Cabdi Garaadna (Qayaad ) Waxaa lagu ganaaxay inay bixiso 50 halaad oo geel ah , mudada ay ku bixinaysana waa 6 bilood , iyo 21,000 $ oo duug ah , iyana ay ku bixin doonto mudo 20 maalmood . 6: In Beeshii danbe ee jabisa heshiiska ama weerar qaada lagu ganaaxo 100,000 $ (Boqol kun oo dollar ) . 7: In la sameeyo socdaalo wacyi gelin nabadeed oo la dhex mara dhamaan deegaanadii ay wax ka dheceen kuwa kaleba.
WAJAALENEWS DESK JIG JIGA OFFICE WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO VIDEO - Beesha Reer Dudub Oo Gudi 7 Xubnood Ka Kooban Ku Dooratay Deegaanka Quljeed Ee G/Awdal... Shirkadda Telesom Oo Qalab Loogu Talo-galay La Tacaalida Covid19 Ku Wareejisay Wasaarada Caafimaadka... Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Jsl Oo Si Gaar Ah Farta Ugu Fiiqay Faa’iido Ay Ardayda Kasoo Baxday Eth... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|