Qalbi Dhagax Walaashii oo Ka Warantay Dhibaatadii Ay Qoys Ahaan Kala Kulmeen Maamulkii Cabdi Iley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalbi Dhagax Walaashii oo Ka Warantay Dhibaatadii Ay Qoys Ahaan Kala Kulmeen Maamulkii Cabdi Iley
December 14, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Tan iyo intii uu xilka qabtay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr Abiy Axmed waxaa dalkaasi ka dhacay isbeddello badan. Dad badan oo tirsanayay tacaddiyo loo geystay ayaana muddooyinkii dambe bilaabay inay ka hadlaan dhibaatooyinkii ay la kulmeen.

Dadkaasi waxaa ka mid ah Cusbur Sheekh Muuse Macallin Cismaan oo la dhalatay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi dhagax, oo ah sarkaal ka tirsanaa jabhadda ONLF oo ay hore Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu gacan-gelisay Itoobiya, in muddo ahna halkaasi ku xidhnaa kahor inta aan la sii deyn. Cusbur waxay sheegtay in qoyska reer Sheekh Muuse ay dhibaatooyin badan la kulmeen10-kii sano ee la soo dhaafay.

“Waxaan ahayn dhowr bahood, bah aysan dhibaato soo gaadhinma jirto. Aabahay carruur fara badan ayuu dhalay, inta la dilay waa lix aabbe dhalay iyo shan ay sii dhaleen,” ayay tidhi.

Waxay sheegtay in dadkaasi la dilay wakhtiyo isku dhowaa,waxaana ay intaa ku dartay in dadkaasi loo dilay qaab fool xun, “Mid kamid ah waxaa lagu dhex riday barkad, halka kuwa kalena inta god lagu riday lagu furay xabbado, iyagoo dhaawac ahna la aasay” ayay tidhi Cusbur oo ay indhaheeda Ilin ka socotay.

Waxay BBC-da u sheegtay in mid ka mid ah eeddooyinkeed ay waalatay kaddib markii saddex ka mid ah carruurteeda la dilay.

Maxay tahay sababta loo beegsaday qoyska Sheekh Muuse?

Qoyskaasi waxaa ka dhashay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa sarkaal ka tirsan jabhadda ONLF oo u dagaallameyay inay xornimo helaan. Dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar ayaana ugaadh saneysay qof walba oo jabhadda ka tirsan amaba taageere u ah iyo qoysaskooda.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa hadda xidhan, maxkamadeyntiisana ay socotaa isaga oo ay ku weheliyaan mas’uuliyiin sarsare oo maamulkiisa ka mid ahaa.

Dawladda iyo shacabka ayuuna ka codsaday in la cafiyo, inkastoo aan dhag jalaq loo siin.

Cusbur qudheeda waxay xidhneyd muddo toban sano oo xidhiidh ah.Waxay sheegtay in shan sano ay ku xidhneyd xabsiga dhexe, iyado qaar ka mid ah walaalaheed oo markii dambe jidhdil loo geystay awgeed u geeriyooday.

“Xabsiga Wardheer ayaa la iga soo qaaday anigoo koomo ku jira oo sida meydkii sijaayad ku duuduuban, waxaana la i keenay xabsiga dhexe dhowr maalmood kaddib ayaan soo naaxay, waaxana ogaaday in halka aan joogo ay tahay Jeel Ogaadeen.” Waxay Cusbur intaas ku dartay in hantida qoyska oo geela u badan ay dowladdu ka qaadatay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS