Prof Cabdi Cali Oo Naqdiyay Sharciyada Wareegtadii Wasaarada Waxbarashadu Ku Joojisay Bixinta Ruqsadaha Dugsiyada Gaarka Ah, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Prof Cabdi Cali Oo Naqdiyay Sharciyada Wareegtadii Wasaarada Waxbarashadu Ku Joojisay Bixinta Ruqsadaha Dugsiyada Gaarka Ah,
December 13, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Prof Cabdi Cali sharci daro ku tilmaamay Go,aankii Wasaarada waxbarashadu ku joojisay Ruqsad Bixinta Dugsiyada Gaarka ah oo ka hor imanaysa Xeerka Waxbarshada No;77,

Ku: Dhammaan Garyaqaanada iyo Aqoonyahanka.

Go’aanka Wasaaraddu Ku Joojisay Bixinta Ruqsadda Dugsiyada Gaarka Ah Iyo Kalmaddii  Ee Dadka Bukaanaka ah ee Dibadda Loola Cararo!!!

Waxan si fiican u akhriyay Xeerka Waxbarashada N0:77, ee dhawaan Golaha Wakiiladu ansixiyeen, ee laynoo sheegay in wareegtadu ka duushay; Waxan ka waayay habayaraatee in Wasaaraddu awood u leedahay in ay si guud u xidho ama bannado ruqsadda furashada Dugsiyo gaar ah dalka oo dhan; si joogto ah iyo si ku meelgaadh ah midna.

Waxaytani ka hor imanaysaa ruqsadda guud ee Xeerka NO: 77, ku ogolaaday furashada Dugsiyo Gaar loo leeyahay (private schools). Markaa, xeerka ayaa Ruqsadda Guud bixiyay; sidaa darteed ma jirto cid si Guud u xidhi karta ruqsad bixinta dalkaoo dhan; This is for me; a head on collision.!!; xeer nidaamiyaha lagu sheegay wareegtaduna waa in aanu duqayn Xeerka No:77. Waxay tani la mid tahay Wasaaradda Ganacsiga oo Tidhaa illaa amar danbe lama furan karo shirkad ganacsi,dalka oo dhan, laga bilaabo maanta; ka warran; ma sharcibaa?

Wuxu sharcigu ku xidhay shuruudo adag furashada dugsi gaar loo leeyahay (Privateschool); shuruudahaasi waxay awood u siinayaan Wasaaradda Waxbarashada in ay udiido ruqsadda kii ay garan waydo; laakiin awooddaasi waa calaa iskuul; macnahaawood looma siin in ay soo rogto amar ay si guud ugu joojinayso furashadadugsiyada noocaas ah.

Markaa haddii aynu shuruudahaas fulin kari waynay, oo maalin walba la furayo iskuuloaan buuxin shuruudahaas sharcigu jideeyay, maxaynu isugu qaadaynaa gidaar ka,oo ah xidhista furashada dugsiyada oo dhan, dalka oo dhan; waxay u dhawdahay, aniga qiyaastayda, in tanina ay noqonayso waxaan soconayn, mar haddii aynu fulin kari waynay tii ka fududayd!!

Dhinacakale, aan u wareegno xagga Caafimaadkal; waa arrin fiican in bukaankeena, madaxiyo mijo ba, meel lagu wada daweeyo; waxase aynaan ka hor iman karayn xorriyadda Dastuurkeenu siiyay qofka muwaadinka ah, taasoo muwaadinku uu adeeg waxbarasho, caafimaad ama dukaamaysi u tagi karo meeshuu doono, dalka dibaddiisa iyo gudahaba; markaa ceeb la’aan, miyaanay taasi ka hor imanayn xorriyadaha iyo xuquuqda Dastuurkeenu siiyay qofka muwaadinka ah?.

Waxa iyana jirta, madaxda oo kaliya ma aha ee ganacsatada laftooda iyo ciddi awooddaaba waxay u doontaan caafimaadka dalka dibaddiisa; ka lala cararayo isagu waa gaar, sidaynu soo sheegnay. Si kastaba ha ahaatee haddii aynu hagaajino adeeggeena caafimaad, shaki la’aan madax iyo mijo; nin ladan iyo nin faqiira ah waxaynu isticmaali doonaa cisbitaaladeenna

Midkalena ku darsoo, haddii uu qofku bukaan noqdo , oo xaalkiisu gaadho dibadda haloo qaado, talada waxa markaa inteeda badan iska leh qoyska bukaanka; Musliniyo Gaal waa sidaa sharcigu; waana la wada yaqaanaa; haddii iyagoo raba in ayqaadaan xukuumaddu ka hor is taagto oo uu dhinto, waxay xaq u leeyihiin in ay xukuumaddadacweeyaan; halkaasna magdhaw culus ayaa laga yaabaa in lagu xukumo xukuumadda!!!

Sikataba ha ahaatee, way jirayaan xaalado caafimaad oo mar walba loo baahan yahayin loo qaado dibadda, haddii la awoodo, xataa haddii aynu kor u qaadno caafimaadkeena; ma kol baynu dhaafi karnaa waddamada saboolka ah kuwooda ugu dadaalka badan!!!!!; waa laguu yaqaan xaaladaha caafimaad ee ay qayrkeen latacaali karaan, si kasta oo ay u dadaalaan!!!

NB: Ha loo soo noqdo Sharciyadda. oo aan joojino Gole-ka- fuulka. Ma jirto cid Jeeg cad la siiyay oo waxay doonto ku qoran karta.

Qalinkii; Prof Cabdi Cali Jaamac u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga

COMMENTS
LINKS