Nin lagu xukumay inuu xabsiga ku dhex daawado Filim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Nin lagu xukumay inuu xabsiga ku dhex daawado Filim
December 18, 2018 - Written by Reporter:

Nin lagu helay dambi ah inuu si sharci darro ah u ugaadhsanayay deero ayaa lagu amray inuu xabsiga dhexdiisa ku daawado filim kartoon ah oo lagu magacaabo Bambi, ka dib markiisida la sheegay uu laayay “boqollaal” deero.

David Berry Jr oo ah ugaadhsade ka soo jeeda gobolka Missouri ee dalka Mareykanka ayaa ku khasbanaandoona inuu ugu yaraan bishiiba hal mar daawado filimkaas, inta uu xabsiga ku jiro muddada halka sano ah ee lagu xukumay.

Isaga iyo 2 xubnood oo ka tirsan qoyskiisa ayaa la xidhay bishii August, iyagoo loo heystay iney dileen deero, ka dibna ay madaxeeda qaateen, jidhka intiisa kalena ka tageen, sida ay dacwad oogeyaasha sheegeen.

Waxaa lagu soo warramay inuu ahaa mid ka mid ah kiisaskii ugu weynaa ee ugaadhsiga sharcidarrada ah oo soo mara taariikhda gobolka Missouri.

Garsooraha maxkamadda qaadeysay dacwadda ayaa xukunka xabsiga ah ee dambigaas loogu riday ka sokow,waxa uu ku amray Berry Jr inuu si joogto ah u daawado filimka Bambi, kaasoo marka ugu horreysa uu daawan doono 23-ka bisha Dismember ama ka hor.

Filimkaas kartoonka ah oo la sameeyay sannadkii 1942-dii ayaa ku saabsan nin ugaadhsade ah oo dilay hooyo deero ah oo dhashay deerada filimka loogu magac daray ee la yidhaahdo Bambi.

Baadhitaan socday muddo bilo ah ayaa horseeday in la soo xidho Berry Jr, aabihii David Berry Sriyo walaalkii oo lagu magacaabo Kyle Berry, sida uu shaaciyay wargeyska maxalliga ah ee Springfield News-Leader.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada deerada ah ee ay dileen, waxay mas’uuliyiinta dadka u dooda xuquuqda xayawaanka ku tilmaameen dhowr boqol oo deero.

Berry Jr ayaa muddo hal sano ah ku xidhnaan doona xabsiga Lawrence County, si uu u maro ciqaabtiisa ah inuu xayawaan duur jog ah dilay.

Wuxuu sidoo kale muddo120 maalmood ah ku xidhnaan doonaa xabsiga Barton County, halkaasoo uu ku qaadan doono ciqaabtiisa ah inuu hub u isticmaalay si sharci darro.

Ula jeedada ninkan loogu xukumay in uu daawado filimkan Kartoonka ayaa u muuqata in ay tahay in uu fahmo dhibaatooyinka ay marayaan ilmaha deerada marka waalidkooda la dilo.

COMMENTS
LINKS