Mudane Madaxweyne Ma Ogtahay In Ubadkeenii Maanta Ay Dishootay Maandooriyaha Loo Yaqaan Xashiishada Oo Gidaar Walba Sida Bariiska Loogu Iibiyo Suuqyada Caasimadda Hargeysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mudane Madaxweyne Ma Ogtahay In Ubadkeenii Maanta Ay Dishootay Maandooriyaha Loo Yaqaan Xashiishada Oo Gidaar Walba Sida Bariiska Loogu Iibiyo Suuqyada Caasimadda Hargeysa
December 20, 2018 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):-Siyaasi Maxamed Abiib Siciid (Waraad) oo ka mid ah dadka wax garadka ah ee ku nool Magaalada Hargeysa ayaa qaylo dhaan ka muujiyay Maandooriyaha oo ku soo badanaya Magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland, kaasi oo saamayn ku yeeshay Da’yarta soo kacayso oo aad ugu bahaloobay, waxaanu Madaxweynaha ugu baaqay inuu wax badel ku sameeyo laamaha amaanka oo uu sheegay inay hawshoodii gabeen. Waxa uu sheegay inay maanta marayso in suuqyada Hargeysa lagu arko wiil yar oo aan toban jir ka waynayn oo xaqiishad cabsan oo reer Hargeysa oo mobile qof kala cararaya.

Waxa uu qoraal uu Wargeyska Foore soo gaadhsiiyay ku yidhi sidan “Waxaynu Awal ubadkeena uga baqi jirnay oo wal wal inagu hayay Geedka Qaadka oo faro baas ku hayay mustaqbalka Ubadkeena laakiin ma ogtihiin inuu kaasi saleelo ahaa oo hadda wadankeena sida Bariiska loogu iibiyo gidaar walba Maandooriyaha Xashiishadda,waxay carruurteenu maanta aad u isticmaalaan Maandooriyaha Xashiishada laga soo waarido Dalalka aynu jaarka nahay oo si arxandaran loo soo galiyo Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland oo ay ugu horaysa Caasimadda Hargeysi, waa aafada ugu daran ee maanta baabiisay Caruurteena”.

Waxa kale oo uu yidhi“Maandooriyahaasi waxa uu keenay in Maanta Toban jirkii Mobilelladda la baxsado Duhurka Cad Suuqyadda Hargeysa, waxaa awal laga caban jiray oo khaati laga taagnaa dhalinyaro kooxo kooxo ah isku raacda oo Mindiyo iyo budhadh habeenkii isku hubaysa oo meelaha madaw dadka u istaaga oo xoog kaga qaata Wixii uu qofku sito balse taasi hadda way soo dhaaftay oo waxaad arkaysaa Wiil aanay da’adiisu ka waynayn Toban jir oo suuqyada la dhex baacsanayo oo lagu odhanayo mobile ayuu la baxsaday, waxaad marka la qabto ogaanaysaa inaanu miyirikiisuba joogin oo uu daroogaysan yahay, walaalayaal arintaasi waa arin inagu soo badanaysa oo mustaqbalkii ubadkeena god madaw ku ridaysa islamarkaana u baahan inaan Madaxweyne iyo shacab ka wada hawlgalno oo guri kasta saamaynaysa”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Walaalayaal, meelaha aynu ka dhimanay ee aynu ka dhutiyayno waxaa ka mid ah laamihii amaanka oo hawshoodii gabay oo xilkoodii gabay oo aan sidii la rabay u shaqayn. Waxaan Madaxweynaha halkan fariin uga dirayaa inuu hoos u eego laamaha amaanka oo uu wax kabadel ku sameeyo oo aanu dhayalsan arintaasi. Haddii aynu sidan ku sii eegano arintani waxay saamayn doontaa Amnigeena guud iyo ka mustaqbalka dhaw, waxaanaynu noqon doonaa bulsho dunuubta iyo fasahaadku ku sii bato”. Ayuu qoraalkiisa ku soo koobay.

COMMENTS
LINKS