Militariga Suuriya: Israa’iil Ayaa Weerar Nagu Soo Qaaday | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Militariga Suuriya: Israa’iil Ayaa Weerar Nagu Soo Qaaday
December 26, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Dhawaaqa qarax ayaa laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dhimishiq, militariga Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay duqeeyeen goob hubka lagu keyddiyo oo ku taalla magaalada Dimishiq.

Saraakiil ka tirsan militariga Suuriya ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in gantaallada lala beegsaday bakhaarka hubka isla markaasna saddex askari ay ku dhaawacmeen duqeynta.

Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la qabtay inta badan gantaallada lagu soo ganay.

Militariga waxay sidoo kale sheegeen in khaasare kale uusan jirin.

Xalay warbaahinta Suuriya waxay baahiyeen muqaal muujinayay qalab heehaabayay hawada Dhimish oo ay soo rideen gantaallada ciidammada Suuriya.

Dhanka kale, ciidammada difaaca Israa’iil kama aysan hadlin duqeynta la sheegay inay ka gaysteen Suuriya.

Markii dambe, qoraal ay barta Twitter-ka kusoo qoreen militariga Israa’iil waxay ku sheegeen in gantalladooda difaaca ay jawaab u aheyd madaafic looga soo ganay dhinaca Suuriya.

Israa’iil ayaa marar badan bartilmaameedsatay saldhigyada ciidammada Iiraan iyo Xizbullah ku leeyihiin Suuriya ayna u aragto inay halis ku yihiin ammaanka dalkeeda.

Waxaa dhif iyo naadir ah in Israa’iil ay qirato inay qaaday weerar kan lamid ah.

 

COMMENTS
LINKS