|
|||||
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo Noqday Dalka Koowaad Ee Dadka Ugu Badan Lagu Xidho
December 7, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Ku dhawaad kala badh dadka qaangaadhka ah ee Maraykanka ayaa waxaa la sheegay in qof ehelkooda ah qofkasta uu ku jiro xabsiyada dalkaas sida lagu sheegay daraasad cusub oo lasoo saaray. Waxaa daraasadda lagu sheegay in hal qof kasta oo ka mid ah 7dii qofba uu qof ehelkiisa ah xabsiga ku qaatay wax ka badan hal sanno. Daraasadda ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay jaamacadda Cornell iyo bogga FWD.us oo ka shaqeeya caddaaladda, waxaana lagu waraystay dad kor u dhaafaya 4 kun qof. Wax ka badan 2 malyuun oo qof oo Amerikan ah ayaa xabsiyada ku jira. Waxyaabaha kale ee daraasadda lagu ogaaday ayaa ah in halkii qof oo ka mid ah shan qof kasta uu waalidkii galay xabsi. Tirada guud ee dadka qof qoyskooda ka mid ah uu xabsiga galay ayaa dhan 113 milyan oo qof, iyada oo dadka hadda ehelkooda ay xabsiyada ku jiraan waxa ay dhanyihiin 6.5 milyan oo qof. Dadka xabsiyada ku jira waxaa ugu badan dadka madoowga ah oo iyagu dhan boqolkiiba 50%. Dadka Laatiinka ah ayaa iyagu tirakoobka lagu sheegay in boqolkiiba 70% ay u badantahay in qof ehelkooda ah uu xabsiga galo. Qoysaska danyarta ah ayaa iyaguna daraasadda lagu xusay.
Source: BBC Somali
Related posts:Shacabka Magaalada Boorama Oo Ka Hadlay Kor Ukaca Qiimaha Shidaal Iyo Fariinta Ay Udireen Madaxwayne... Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Oo Bilaabay Hawl Galo Cusub Iyo Taliye Faysal Xiis Oo ka Warbixiy... Daawo: Boqor Axmed Bad-madaw oo ka Hadalay Koox Hubaysan Oo Soo Weerartay Maanta Iyo Cida Ka Dambey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|