Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Bandhigga Carwadii 8-aad Ee Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Muuse Biixi oo Xadhigga Ka Jaray Bandhigga Carwadii 8-aad Ee Somaliland
December 9, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Xadhigga ka jaray bandhigga Carwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somaliland ayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaan ganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha wax soo saar dalka ku leh, waxaana madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka rugta Ganacsiga, wershadaha iyo Beeraha, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo hoggaanka shirkadaha waaweyn ee dalka ka shaqeeya, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku hayey horumarka ay ganacsatada dalku ku tallaabsadeen iyo baahida loo qabo in mar walba la diyaariyo madal ay ku kulmi karaan ganacsatada iyo macaashoodu.

Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Shugri, ayaa ugu horrayn si mug leh u sharraxay muhiimadda ay carwadani u leedahay bulshada iyo sida ay fursadda ugu tahay ganacsatada iyo macaamiishooda kala duwan, waxana uu ganacsatada ku boorriyey inay madasha keenaan waxyaabo soo jiidan kara macaamiisha, islamarkaana qiimahoodu macquul yahay.

Wasiirka Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin), maayarka caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, Mudane Jaamac Xaaji Axmed iyo xubno ku hadlayey ganacsatada waaweyn ee Somaliland oo madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada ay guud ahaanba bulshada reer Somaliland u leedahay furitaanka carwadani oo lagu soo bandhigayo wax soo saarka kala duwan ee dalka gudihiisa ka soo baxa, adeegyada shirkdaha qaarkood muwaadiniintooda u qabtaan iyo weliba waxyaabaha kala duwan ee ganacsatadu dibadda kasoo waariddo.
Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad.jpg2 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad3 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad4 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad5 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad6 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad7 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad8 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad9 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad10 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad11 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad13 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad12 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad14 Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Carwadii 8aad15

COMMENTS
LINKS