|
|||||
WAJAALE NEWS
“Madaxweyne Muuse Biixi Dadka La Tartamayaa Way Dhaliilaan Xabadna Kuma Rido, Farmaajona Ma Ogola Dhaliilaha”..Cabdiraxmaan Cabdishakuur
December 10, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (WJN)- Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo muddo 10 Bilood kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah, Isaagoona eedayn culus u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka Soomaaliya ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aanu u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in musharaxiinta mucaaridka ah ee la tartamaya ay dhaliili karaan oo aanu xabadna ku ridin, laakiin madaxweyne Farmaajo aanu ogolayn dhaliilaha loo jeediyo, Isagoona dhinaca kale sheegay in Farmaajo aanu ogolayn Soomaalinimada oo uu dhinac kasta kala dagaalamay Dowladaha Somaliland iyo Jabuuti.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka https://youtu.be/w4lvLyd4zsw Related posts:Baarlamaanka Australia Oo Tallaabo Ka Qaaday Xildhibaan u Qiil Sameeyay Weerarkii Masaajidka New Zea... Masuuliyiin Dhalinyaro Ah Oo Bulsho Waynta Tusay Kartida, Daacadnimada Iyo Aqoonta Ay Dhalinya... Maydadka 28 Qof Oo kamida Somaalidii Lagu Laayey Hawaday Oo Aas Wadareed Loogu Sameeyey Jig Jiga I... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|