|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Tabobbar U Furay Agaasimayaasha Guud Ee Wasaaradaha
December 25, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradda Xukuumadda u furay tabobbar amma kulan hawleed lagu dardargelinayo hawlaha shaqo ee Hay’adaha dawladdu Qaranka u qabtaan. Sidaa waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska afhayeenka madaxtooyada somaliland, waxaanu nuqul ka mid ah oo soo gaadhay aftahannews.com qoraalkiisu u dhignaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay shirweyne Ballaadhan oo loo qabtay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dawladda, kaas oo lagu dardargelinayo hawlaha xukuumadda. Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha kala duwan ee dawladda, ayey ujeeddadiisu ahayd sidii loo dardargelin lahaa hawlaha dawladda, loona tayeyn lahaa adeegga ay hay’adahaasi u qabtaan shacabka, waxana uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, iyada oo ay halkaas casharro muhiim ah ka bixin doonaan khubaro muwaadiniin ah. Waxyaabaha kale kulankani inta uu socdo lagu lafo-guri doono, ayaa waxa kamid ah siyaasadaha haatan jira hay’adaha xukuumaddu ku hawlgalaan, curinta kuwo cusub, caqabadaha ka hor yimaadda agaasimayaasha guud iyo xallintooda iyo arrimo kale oo badan oo la xidhiidha hufnaanta adeegga shaqo ee wasaaradaha kala duwan ee dawladdu bulshada u hayaan. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bille oo ugu horayn madaxweynaha warbixin ka siiyey ujeedka kulankani ayaa ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, Mudane Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey, ayaa sharraxay sida ay hay’ad ahaan xilka iskaga saareen dhismaha aqoonta iyo haybadda shaqaalaha kala duwan ee dawladda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in agaasimayaasha guud ee hay’adaha dawladdu ugu horreeyaan cidda laf-dhabarta u ah adeegyada kala duwan ee xukuumaddu u qabato bulshada, taasina ay sabab u tahay kulanka maanta loo qabtay.
Related posts:Ina-Xasan-cawke: Xarragadii Iyo Xaash-Xaashkii Makrifoonka (1948kii - 2015ka) Qalinka: Boobe Yuusuf ... Daawo Dhalinyarada Beesha Bariga Burco Oo Iclaamisay Shirwayne ay Ku Tageerayaan Isbahaysiga Kulmiye Shirkada Diyaaradaha Qatar Airways Oo Shaacisay Inay Sii Wadi Doonaan Adeegsiga Hawada Somaliland COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|