|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo La Kulmay Madaxa Hay’adda ICRC iyo Waxyaabaha Ay Ka Wadahadleen
December 18, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la qaatay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxa Guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) Mr. Simon Brooks. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay weftiga, ayaa lagaga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Guddida caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) looguna diyaar garoobi lahaa qorshaha sannadka 2019-ka, oo ay ICRC xoogga ku saari doonto adeegyadaaas-aasiga ah iyo gurmadka deg-degaa, iyadoo la kaashanaysa Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland. Madaxweynaha waxaa kulankan ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, halka dhinaca weftigana ay weheliyeen Madaxa laanqayrta cas, masuuliyiin ka socday ICRC oo uu ka mid ahaa Wakiilka u qaabilsan Xafiiska ay Somaliland ku leedahay Laanqayrta cas Mr. David McMullen. Related posts:DAAWO;-Maamulka Dowlada Hoose Ee Gabiley Oo Kormeer Kusoo Maray Mashaariic Ay Ka Hirgaliyeen Magaala... Halkan Ka Daawo Barmaamijkii Ciida Ay ugu Talo Galeen Televisionka Xamar oo ay hargeisa Kaga Dhex D... Gudoomiyaha Degmada Alleybadey Oo Dalbadey In Uu Iska Casilayo Xilka Gudoomiyaha Maamulka Alleybadey... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|