Madaxweynaha Jabuuti oo Walaac Ka Muujiyay Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jabuuti oo Walaac Ka Muujiyay Iskaashiga Wadamada Geeska Afrika
December 18, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa walaac xoogan ka muujiyay isbedelada ka socda wadamada Geeska Afrika, Isagoona ku taliyay in laga fiirsado waxa ay soo kordhinayaan isbadalladaas, loona kuur galo wixii faa’iidooyin ama khasaare ah ee ay wataan.

Isagoo u muuqday Madaxweyne Geele inuu si taxadar leh uga hadlayo mowduucaas ayuu sheegay in wax walba ay kuhabboonyihiin turxaan bixin.

“Isbadallada hadda socda iyo kuwa imaan doonaba, waxaa loo baahanyahay in la is weydiiyo waxa ay dan inoo xambaarsan yihiin ama wixii dibindaabyo ku duugan” ayuu yidhi Madaxweyne Geelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu xusay in la tix galiyo ra’yiga dalalka kale.

“Waxaa wanaagsan in fiiro dheer loo yeesho waxa ay dunida kale rabto iyo sida ay dowladaha gobolku ula fal gali karaan isbadalladaas”.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa intaas ku daray: “Marka laga hadlayo isbadallada gobolka waa in la ilaaliyo mahuraannada umadeed ee aaney adduunyadu goynin, jiritaankana salka u ah, waan baahanahay looma bahalo cuno ayaa la yidhi”.

Hadalladan ayuu madaxweyne Geelleka sheegay khudbad uu ka jeediyay shirka Madasha Aragti Wadaagga ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Jabuuti, kaasoo uu soo qaban qaabiyay machadka cilmibadhista ee Heriteej.

Dhawaanahanba waxaa la isla dhexmarayay natiijada ka dhalan karta go’aankii ay saddexda dal ee kala ah Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ku gaadheen inay sameystaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh.

COMMENTS
LINKS