Madaxwaynaha Maraykanka Oo La Filayo In Uu Afhayeenka Arimaha Dibada U Magacaabo Heather Nauert | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Maraykanka Oo La Filayo In Uu Afhayeenka Arimaha Dibada U Magacaabo Heather Nauert
December 7, 2018 - Written by Wariye:

qmHargeisa(WJN):-Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Heather Nauert u magacabi doono inay noqoto danjiraha Mareykanka ee QM, sida ay weriyeen wakaaladaha wararka Mareykanka.

Nauert ayaa timid Waaxda Arrimaha Dibedda kadib markii ay muddo kasoo shaqeysay Fox News oo ay ka ahayd war aqriye iyo war soo tebiye, ayada oo diiradda saari jirtay xasaradaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah, sida ku cad bogga taariikhdeeda.

Ka hor Fox, Nauert ayaa kasoo shaqeysay ABC News.

Haddii la magacaabo oo ay aqbasho, waxa ay wajihi doontaa su’aalo adag marka ay marto dhageysiga aqalka senate-ka ee lagu xaqiijinayo magacaabisteeda, sababo la xiriira khibrad la’aanteeda dhinaca diblomaasiyadda ama go’aan siyaasadeed gaarista.

Waxaa la sheegay inay aad ugu dhowdahay Aqalka Cad iyo Xogahayaha Arrimaha Dibedda Mike Pompeo, oo marar badan ay la safartay.

Nauert ayaa beddeli doonta Nikki Haley oo bishii October ku dhawaaqday inay shaqada ka tageyso dhammaadka sanadka.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye:AKadir Habbane

COMMENTS
LINKS