Madaxa Hay’adda Sirdoonka Ee CIA Oo Congress Kala Hadlaya Baadhitaankii Dilkii Jamal Khashoqji | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxa Hay’adda Sirdoonka Ee CIA Oo Congress Kala Hadlaya Baadhitaankii Dilkii Jamal Khashoqji
December 4, 2018 - Written by Editor:

Madaxa hay’adda sirdoonka ee CIA ayaa aqalka Congress-ka kala hadli doonta dilkii saxafiga Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoqji, sida ay ku warramayso warbaahinta Maraykanka.

Waxaa lagu soo warramayaa in Gina Haspel ay la hadashay hoggaamiyeyaasha Senate-ka Talaadadan.

Gina ayaa ka baaqatay kulankii toddobaadkii hore xogta lagula wadaagayay wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka gaashaan dhigga.

Khashoqji ayaa lagu dilay qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul bishii Oktoobar.

Warbaahinta Maraykankuna waxay ku warramaysaa in hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ay baaritaankeeda ku soo gunaanadday “in ay u badan tahay in Maxamed Bin Salmaan uu amray” dilkaas.

Dawladda Sacuudiga ayaa dacwado ku soo oogtay 11 ruux, balse waxay diiday in amiirku uu ku lug lahaa dilka.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegaysa in CIA ay hayso caddaymo muujinaya fariimo ay is waydaarsadeen amiir Sacuud al Qahtani, kaas oo lagu eedeeyay in uu dusha kala socday dilka.

Wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo wasiirka gaashaan dhigga James Mattis ayaa senetarrada u sheegay toddobaadkii hore in aysan jirin caddaymo toos ah oo muujinaya in amiirka dhaxalka leh uu ku lug leeyahay dilka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in baaritaanka CIA aan wali la soo af jarin. 20 bishii Nofembar ayuuna sheegay “Way dhici kartaa in amiirku uu masiibadan ka war hayay wayna dhici kartaa in uusan ka war hayn.”

Dhanka kalana waxaa jira warar sheegaya in Gina Haspel ay ka carootay in warbaahinta loo dusiyay in macluumaadka ay CIA ogaatay.

CIA wali kama hadlin warka ku saabsan in ay macluumaad bixinayaan Talaadada.

Kumuu ahaa Jamal Khashoqji?

Wuxuu ahaa saxafi caan ah oo ka soo warramay warar waawayn oo ay ka mid yihiin qabsashadii Soviet-ka ee Afghanistan, soo caan bixiddii Osama Bin Laden, wuxuuna u warrami jiray war baahinno kala duwan.

Tobannaan sano ayuu aad ugu dhawaa qoyska boqortooyada wuxuuna lataliye u noqday dawladda.

Balse markii dambe iskii ayuu dibad joog ugu noqday dalka Maraykanka. Intii uu halkaas joogayna wuxuu wargayska Washington Post ku qori jiray maqaal bille ah oo uu ku dhaliili jiray Maxamed Bin Salmaan.

COMMENTS
LINKS