Ma Idinla Tahay Imaaraadku Rubbad Bay Inan Ku Dhali?Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Idinla Tahay Imaaraadku Rubbad Bay Inan Ku Dhali?Cali Guray.
December 24, 2018 - Written by Editor:

“Anigu muhiim uma arko in waftigan oo hadda uun maqalka warkiisu ii yahay sawiradooda arko ama uu warbaahinta toos ula hadlo. Kolay sababo xagooda ah oo weliba aan ka garaabi karo ayuun baan is leeyahay way jiraan oo duruufaha ku xeeran Xidhiidhka dhaw ee gaarka ah ee Somaliland oo ah dal aan Caalamka Ictiraaf ka haysanin iyo dhibaatooyinka ay ku hayso waan fahmi karaa oo dee dawladdan Aan jirin ee Muqdisho Ayaaba sidii tukaha ka daba waaq leh oo talaabadii ay dawladda Imaaraadku dhanka Somaliland u qaadaba hayaa! bal eega dalkayagii bay farogelin ku haysaa dawladda Imaaradkuye, hadda taako dhul soomaaliyeed ah oo ay ka talisaana ma jirto oo waa la ogyahay.

Arinta DP World Berbera cid waliba mawqifkii ay ka qaadatay way ku gacan saydhay marka laga reebo Qatar oo khilaaf gaar ahi ka dhexeeyo Muqdishona kaga adkaatay oo ka saartay laga reebo.

Hadii mashruucan ay si wax ka yihiin ama ka noqdaan fili maayo in hadda iyo wixii ka dambeeya uu dhinacooda noqon doonto laakiin dhinaceena hadii aan la iska giijin oo mashruuci hadda way bilaabayaane duruufaha ku xeeran iyo arimaha ka baxsan awoodaha mashruuca ee tixgelintooda leh aad looga taxadirin anigu werwer badan waan ka qabi karaa.

Laakiin halka uu ismaandhaafku ka jiraa waa arinta Saldhigga Milatariga. Maaha uun inta badan bulshada caalamka gaar ahaan daneeyayaasha Somaliland iyo saaxiibadeeda uun inta werwerka ka qabtaa ee xataa gudaha Somaliland lafteeda ayuu jehowareer iyo shaki badaniba ka jiraa sua’aalaha ugu waawayn ee laga qabo waxa ka mid ah horta waa maxay Saldhigga Milatarigu? Waxay ku qabanayaa iyo wax aanay ku qaban karin ee Somaliland dhibaato u yeelan karaa ma kala cad yihiin oo heshiis ay ku cad yihiin miyuu jiraa? ta labaad ee ugu muhiimsani waxay tahay inta danaynaysa Somaliland inay xidhiidh la yeeshaan ee weliba hunguraynaysa in ka helaan way badan yiiin oo Ruush iyo Maraykan ayuu labadaba hunguri ka hayaa sabab kale oo loo danaynayaana jirto ee waa buqcadda ay dhacdo ahmiyaddiyo-siyaasi ah iyo mid dhaqaale iyo amniba mandaqadda iyo caalamkaba u leh. Koonfurta Khaliijka cadmeed ma jiro dal kale oon Somaliland ahayn oo 850Km xeeb dherersan oo albaabka marinka Baabul-mandab ah ku lihi soomaalina waxa shaca goobtaa istraatajiga ahi waa Jabuuti iyo Somaliland inta ugu dheerna Somaliland ayaa iska leh. Hadaba hadii Somaliland baahida loo qabo iyo sida ay uga faaiidaysan karto ay garan waydo oo dahab maar ahaan looga iibsado saw ayaan darro sideeda u taal noqonmayso? Anigu werwerka ugu wayn een qabaana waa taasi waayo Saldhiggan Imaaradka wax dan ah oo Somaliland ay dhaafsatayna garanayo wax la arkay oo la taaban karaana ma jiro. Markaa baqaha aan ka qabo ayaa ah inay Somaliland fursadaha kalena lumiso Imaaraadkuna isaga qaato in Somaliland ay dad aan waxba garanayn oo faro guudkood ku qanci kara tahay oo ay sidaa rumaysato ha dhawna tu aanay u fadhiyin ay ka dhacdo.

 

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS