M/weyne Cagjaroow Dadka reer Somaliland iyo Culimadoodu Balaayo Ma Abaabulaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
M/weyne Cagjaroow Dadka reer Somaliland iyo Culimadoodu Balaayo Ma Abaabulaan
December 17, 2018 - Written by Wariye:

Bismillaahi raxmaani raxiim 16.12.2018kii
Qore taariikhyahan qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley),
Waxay dadweynaha reer Somaliland todobaadyadan isweydiinayeen,ma m/weynihii
d.deegaanka Somalida Mr Mustafe Cagjar ayaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku
sheegay meel Itoobiya xummaanteeda laga abaabulo ama meel ay kooxaha kharaxyada
sameeya ay ku dhuuntaan?.Nin reer Dhagaxbuur ah oo Hargaysa degan ayaa isaga oo ka
hadlayay arrimtaas ayaa yidhi,Aga Aga Aga,waar go’aan ahayn, illeen wiilkan
madaxweynaha ah ee Mustafe Cagjar,dhaqanka dadka Somaliland ma yaqaano!!,soowtii
aan maqli jiray Ina Cagjar dalka Somaliland ama Hargaysa marar badanbuu booqday?
Aan idhaahdee,mudane madaxweyne horta hadalkaas lagaama filaynin adiga,maxaayeelay
reereheena geelasha ayaa isugu jira,oo meel walba wey wada degaan,xooleheenuna ceelkasta way ka wada
cabbaan,tigaankastana way wada daaqaan,Afmeer iyo Idhanka Gaaroodi,Hundaha iyo Haradigeed,Bullaale iyo
Weylalaguxidh,Gunnagadiyo iyo gudaha Dhagaxbuur,Yoocaale iyo Cobolle, Awaare iyo Galduur ilaa oogada ballaadh
agteeda reereheenu sida aqal iyo albaabkiis ayay isku yihiin.
Horta Cagjaroow ma dambaabayo haddii aan kugu idhaahdo,waxad tihiin uunbaanu nahay,hadddaanu reer Somalilnd
nahay,idinkuna waxaanu nahay uunbada tihiin,maxaayeelay waxad tihiin reeraha jihada koonfureed ilaa jihada galbeedka
nagagasoo oodan ee sida mareedaha aqalka noogu dhereran bari illaa galbeed,waxa keliya ee aanu idinku anqaanay,in
marka aad isyeelyeeleysaan aad odhan jirteen “Iidoorku waa gaalo”,taasna waxba kamasoo qaadno oo islaanimadayadu
mid aanu ansixinteedu Ogaadeen saxeex uga doonaynaynay ma aanay ahayn,mana noqon doonto,waxaanu ku
qanacsanahay,islaanimadayada,muuminimadayada iyo muxsinimadii awoowyadii aanu ka tafiirnayn ee culimada iyo
caalimiinta diinta islaamka fidiya ahaa,waxanu citiqaadsanahay.(toolmoonihii Maxamedbaa(csw) utagay ilaahaye,towxiidku
nafaray looxyadeey noogu taal weliye,waa tiir aan naga liicahayn taanu leenahay),
Cagjaroow Maxad ka Ogtahay Kooxaha Aragtiyaha Diineed ee Khaldan Qaatay ee Xuduudihii Islaamka ka
Baxay?
Waa hal qabsigii bulshada reer Afdheere Ina Aaboow bal anigu waxyaalo aaanad ka ogeyn kooxaha xagjiroobay
eeislaamka iyo waxay aaminsan yihiin ma kaaga warramaa?.mudanoow Cagjaroow waxan kaaga warramayaa,2
arrimood,koow caqiidadayada suuban ee dadkayaga,culimadayada khayrka badan iyo calool wanaagga bulshadayada reer
Somaliland.
Waxa kale oo aan kaaga waramayaa,laba caqiidada qalloocan,culimada sharka abaabusha iyo cidhib xummada halkay ku
arooraan.madaxweyne wax isu sheeg ma xummee wax isweydaarisbaa darane,bal qisadan soo socota aad u dhegeyso oo
si fiican u dhuux.
“Waxa la joogaa,goob uu Nebi Muxamed (csw) axsaabtiisii qaniimad ugu qaybinayay,dabadeedna ninbaa soo agjoogsaday
nebiga oo ku yidhi,Maxamadoow caddaalad samee,Maxamadoow caddaalad samee!!(waaryaadhehee waar ninku af
adkaayaa waar ninku af adkaayaa.markii ay nebigeenii suubanaa dhegihiisu maqleen weedhihii foosha xummaa ee ninkaas
afkiisa kasoo baxayay ayuu inta uu jalleecay ku idhi,hadal nuxurkiisu sidan ahaa,”waar hoogaagee haddaan anigu

caddaalad sameyn waayo yaa kale oo caddaalad laga sugi karaa),am waar hoogaagee haddaan caddaalad sameyn waayo
soow aniga hoogi maayo ama hadal la mid ah.
Markii uu ninkii khaldanaa ee dhaliilayay habka uu nebiga wax u qaybinayay,ee weliba hadalkiisa ay ka dhadhammaysay
inuu isagu nebiga ka caddaalad wanaagsanaan lahaa,ayuu Cumar binu Khaddaab aad uga cadhooday hadalkii foosha ee
nebigeenii ku lahaa ayuu Cumar haldlay oo uu yidhi,rasuulkii ilaahayoow ninkan kurka ma gooyaa?,markaasuu suubane
Nebi Muxamed calayhi salaatu wasalaam,Cumar ku yidhi,maya dilimayno,maxaayeelay waxan diidayaa in la
yidhaahdo,Muxamed axsaabtiisii ayuu laayay,ninkanina dad kooxdiisa oo noociisasa ah ayuu ka mid yahay,kuwaasina waa
dad diinta islaamka uga dhexbaxay sida uu leebku uga dhex boxo wixii lagu ganay,leebkaasoo aanay wax calaamad ah
kasoo raacin wixii uu ka dhexbaxay sida dhiig,uus iyo raadtoona aanay kasoo raacin ugaadhii lagu ganay uu dhanka kale
uga baxay.nimanka uu ninkan aniga caddaalada fal igu leh ka mid yahay,waa kuwo aad la yaab u leh,maxaayeelay marka
aad quraan akhriskooda aragtaan,waxad yaraysanaysaan quraank akhriskiina,marka ada salaadooda eegtaana waxad
yaraysanahaysaan salaadiina,markaad soonkooda aragtaana waxad yaraysanaysaan soonkiina,laakiin waa dad aanu
quraankooda iyo cibaadadoodu kalxamahooda hoos u dhaafin,micnaha dad aanay diintu qalbigooda galin,kuwaas waxa uu
nebigu ku tilmaamay,culimada xun ama wadaad xumayaal,(culimatu suu), waxa kale oo uu ku tilmaamay inay yihiin,dadka
sharwadayaal ah oo in lala dagaalamo ay waajib tahay.Waxa kale oo uu nebigu tilmaamay, inay nimanka fikraddaas
aaminsan ay soo ifbixi doonaan,xilli uu khilaaf taagan yahay oo musliintu uu khilaaf dhex gali doono.
Hadaba waa xajoo gudo weyn oo halkan kuugumasoo koobo karee,inta aan ka fahamsanahay,khilaafkii kooxdii uu
ninkaasxummi horseedka u ahaa waxa uu soo ifbaxay,xilligii uu dhacay khilaafkii siyaasadeed ee muslimiintu u kala
jabeen,axsaabtii badnayd ee amiirnimadii Cali Bin Abii Daalib taageersan iyo fariiqo muuminiin ahaa oo ninkii amiirnimadii
Cali diiday ee Mucaawiye bin Abii Sufyaan taageertay.
Hadaba dhinicii Amiir Cali ayay ayiday ayay fariiqadii uu horseedka u ahaa ninkii Nebiga caariday ee Muxamadow
caddaalad samee ku lahaa ,waxa la yidhi,muddo yar dabadeed hadana kooxdii cusbayd waxay kasoo horjeedsatay Sayid
Cali,iyaga oo u arkayay inuu Sayid cali Bin Abii Daalib iyo taageerayaashiisiiba ay diintii Islaamka ka ridoobeen,waxa la
yidhi,fariiqadii cusbayd si waayadii hore marka ay khudbadaha Jimcaha ee sayid Cali ay ummaddu dhageysanayso,ayay
inta ay masaajidka xaggiisa dambe ka dhawaaqaan,ama ka dhex istaagaan,ayay ku odhan jireen sayid Cali ilaahay ka
cabso “Yaa Caliyu Khaaf rabak”,
Fariiqadaas waayadii dambe waxa loo bixiyay magaca”khawaarajiinta”oo micnihiisu afsomali ku yahay fallaago,(XERO
ISLAAM KA BAXAYAAL),nimankaas waxa la sheegaa,inuu khilaafkoodii markiiba uu dagaal gacan ka hadal ah oo ay Sayid
Cali ku qaadeen isugu rogay,gacan adaga ayuu sayid cali ku dhuftay fariiqaddaas laakiin inkasta oo ay tabar gabeensi
dhuumasho ahna fikraddooda ku faafin jireen khawaarijiintu,aakhirkii waxa la sheegaa in ninkii dilay Sayid Cali uu
fallaadaas ka mid ahaa,uuna aaminsanaa inuu dilay nin gaal ah oo uu janada ku gali doono dilkiisii
Cagjaoroow saaxiib halkaas waxad ka garanaysaa inay nimnakaas fallaagoobay ay ahaayeen,fariiqo ay diintu ku
qaloocatay,kuwaasoo uu shaydaanku u qurxiyay dariiq khaldan oo baal marsan, axkaamta shareecada islaamka iyo
nidaamkii wanaagsanaa ee ay dowladdii muslimiintu ku socotay,ee ay muuminiintu ku kala dambeeyeen isuguna
hooganasanaayeen,
Fariiqadaas islaamka ka fallaagowday,Shaydaanka ayaa u qurxiyay malo awaalkoodii iyo aragtidoodii aan cilmiga iyo
xigmadda badan ku dhisnayn,ee axkaamta shareecada islaamka daba marsanayd,taariikhdu waxay inoo sheegaysaa,inay
fariiqadaasi ku talaxtageen cadhadii siyaasadeed iyo aragtidooda xagjirnimada fog ku dhisnayd,kuwaasoo aan inyarna wax
tanaasul ah la immanin,ilaa aragtidoodi khaldanaydana sii buunbuuniyay ilaa ay aad ugu fogaadeen dadkii musimiintii ahaa
oo ay diintii islaamkaba ka dhex bexeen ama ay diintiiba ka xuubsiibteen.
Dhulka Somalida iyo Sidii ay ugu Faaftay Aragatidii Fariiqadii Islaamka ka Fallaagowday!

Aan soo daadegnee,dadka qowmiyadda Somalida ahi,dhaqan umayn lahayn khilaaf diineed iyo kooxo xagjir ah oo
bulshada ka dhex baxa.balse waxa uu khilaafkii diiniga aha aka bilaabmay Somaliya,markii ay dowladdii militeriga
ahayd ay Aayadaha quraanka ku xad gudubtay,kadibna ay culimadii Somaliya qaarkood ka horyimmaadeen,go’aankii
ay sharcigii ay xukuumaddii Siyad Barre soo saartay ee ragga iyo dumarka xuquuqda siman ay ugu yeeleysay,gaar
ahaana markii ay ku dhawaaqday xeerkii qoyska ee waxkasta ka simmayay ragga iyo dumarka,weliba si isle’eg ugu
qaybinayay ragga iyo dumarka xoolaha ay waalidkood ka dhaxlaan.
Cadhadii dadweynihii Somalidu ay diinta ugu hiilanayeen iyo sheekooyinkii ka dhashay gafkii diineed ee uu Maxamed
Siyad Barre ku toogtay12kii nin ee culimada ahaa 1875tii ayaa,muran badan iyo khilaaf ballaadhan ka dhex abuurtay
ummaddii iyo culimadii Somalida,waxay dadweynuhu ama culimadii dalku hoos hoos ugu sheekeysan jireen ararimahan.

  1. Inay raggii golihi sare ee kavaankii Okt.iyo raggii wasiirada ka ahaa dowladdii Siyad Barre ay diintii ku
    xadgudbeen oo ay Daalimiin xadgudbay noqdeen
  2. inay raggaasi yihiin munaafiqiin diintii islaamka faasaqay

3. in raggii golaha sare ku jiray iyo raggii wasiirada ka ahaa dowladdii Somaliya ay gaaloobeen oo ay diintii ka bexeen

markii culimadii12ka ahayd la toogtay,culimo badan ayaa ka carartay dalkii somaliya kuwaasoo dalalka Carabta u
yaacay,kuwaasina waxay soo afuufi jireen,fadwooyin diineed oo liddi ku ahaa madaxdii somaliya oo khatar ahaa,ugu
dambayntiina niman Somaliya ka yimmid oo arday ahaa oo jaamacadaha dalka Sucuudiga gaar ahaan jaamacadda
madiina dhigan jiray,ayaa waxa haleelay nin macallin u ahaa oo dalka Masar u dhashay,kaasoo hore usoo akhriyay kadibna
aaminay,fikrad diineed oo uu qoray,sheikh weyn oo Masri ahaa oo ay dowladdii Jamaal Cabdinaasir khilaaf diineed dartiis
xabsi dheer ugu xukuntay,
Buugaasoo xambaarsanaa mabaadii diineed oo aan odhan karo waxa hal abuuray nin aad u cadhaysan,mabaadiidaasoo
madaxdii dalka Masar ku xukumaysay inay dhammaantood wada ridoobeen oo diintii ka bexeen,shacabka taageersanna ku
xukumaysay,dad diintii ka baxay oo gaalnimo taageeray,buugaasoo dadka muslimiinta ah ku dhiirigelinaysay,in la dhiso
urur diiineed cusub oo Masar iyo waddamada kale ee hore diinta islaamka u qaatay ee xukuumado la nooc ah ta ka talisa
dalka Masarba kusoo dabaalaya diintii Islaamka.
Fikraddii noocaas ahayd ayuu macalinkii ka dhaadhiciyay ardaydii Somalida ahayd ee jaamacaddas madiina dhigan jirtay
badhtamihii 70naadkii,kadibna ardaydii iyaga oo fikraddaas higelinaya ayay asaasidda ururo diineed oo cusub ka bilaabeen
Somaliya gudeheeda 1978dii.ururo diineed ooay hgaaminayaan raggii fikraddaas aqbalay ayaa ku faafay goboladii iyo
magaalooyinkii dalkii Somaliya la odhan jiray,marka laga reebo goboladii woqooyi kuwaasoo sida waxbixintaasi
tilmaamayso ay culimadoodu hore u lahayd urur hore oo Waxdatu Shabaab Al Islaam la odhan jiray, kaasoo ku xidhnaa
ururka ikhwaanul muslimiinta ee dalka Masar,ikhwaankaas Masar oo 50naadkii la asaasay uuna markii hore xubin ka
ahaan jiray macallinkii ardaydii Somalida ee jaamacadaha sucuudiga dhigan jirtay XERO MUSLIN KA SAARAY
Hadaba Ilaahay ha ka abaalmaro dembigoodana ha ku dhaafee,culimadii yaryarayd ee khayrka badnayd ee sanadihii
1970naadkii ka horjoogsatay dadkii ku noolaa waddanka Somaliland faafistii fikraddaas “XERO MUSLIN KA BAXA”,ahayd
waxa ka mid ahaa, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,Sh Cabdiqaadir X.Jaamac “Gandhweyne”, Sh Xasan
Cabdisalaan,Sh.Ismaaciil Hurre”Dheeg”,Sh.Cabdiraxmaan,Maxamed Yuusuf,M.Cabdi Daauud iyo qaar kale.
Hadda m/weyne Cagjaroow fahan oo fikraddii amaragtidii diineed ee ay aaminsanaayeen fariiqadii Sayid Cali bin Abii
Daalib ka fallaagowday,waa nimanka aad u fog oo, innaga qarniga 21ada nool daayo amiir Cali Bin abii daalib oo ahaa
qofkii saddexaad ee Nebi Muxamed rumeeyay iyo axsaabigii ugu cilmiga badnaa muuminiinta saddxedi khaliif eek a
horeeyay dabadeed ayay fariiqadaasi u aqoonsanayd inuu yahay,nin Gaal ah oo ka baxay diintii islaamka,bal maxaad u
malaynaysaa innaga cahdigan joogno.
Waxa la yidhi,aragtidii diineed ee Xero islaam ka saarku,iyada oo magacyo urur diineedyo islaamiya huwan ayay si xawli
ah ugu dhex faaftay dadweynihii dalkii Soomaliya la odhan jiray, marka laga reebo goboladii Waqooyiga oo wufuuddii loo
diray ay usuuroobi wayday inay ku faafiyaan,halkaasoo Waxdatu Shabaab ay ku guulaysteen inay horjoogsado faaffistii
fikraddaas khatarta ah..

Cagjaroow Imaqaloo Car ma kuu Tilmaamaa Culimada Carradayada?
Saaxiibayaal waxa akhris dheer dabadii waxan idinku yara jalbebinayaa,hees ama geeraar aan idiinku suuraynayo
culimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhaqanka wanaagsan ee eebbe ku galladay, iga gudooma.

  1. Cagjar ma I maqlaysaa,culimada carradayadu cod yar aan sheegee,caddaan waxay u leeyihiin,cilmi
    waxan yaqaanaan intuu caadilkood baray,cashar waxay nasiiyaan,caadiii ambiyadiyo,carbiskii rasuulkiyo
    intii culimadii hore cumuumkoodu raacee caddaan ay u mariyeen.
  2. Culimada carradayadu cashar toosan mooyiye sida cidaha qaarkood dadka cudur ma geliyaan
  3. Culimada carradayadu camalada Ibliis wado falka caasinimada ah carabkay ku suushaan
  4. Culimada carradayadu masjid iyo cammiristiis, muslin caawintiis iyo xaramkay u carraraan
  5. Culimada carradayadu way caqiido badan yiin,sida cidaha qaarkood muumin cadho mageliyaan
  6. Culimada carradayadu culuuntay durduurshaan waan ku caafimaadnaa
  7. Culimada carradayada cilmigaa biyaha,xigmadday ciseeyaan,caqli maydhan weeyaan
  8. Ceel daniif ah weeyaan,biyo callow la’ weeyaan,nuur cadceed ah weeyaan
  9. Culimada carradayada waxasoo carbiyay jeer
  10. Caalimiin samaad diran iyo culimo khayr badan,
  11. Cisi badane sh.madar iyo Cali Jowhar weeyaan
  12. Ina Suufi Camal same iyo colkii sh,Cismaan Nuur iyo Calixiit ayaa baray,
  13. caalimkii Muxumed yare, sheikh Cali Ayaanliyo,Cabdikaariyaa baray .
  14. Culimada carradayadu cishaha iyo subaxaba kama caajisaan samo
  15. Culimada carradayadu sida Cawlka Deerada cidla joog ma ay noqon
  16. Culimada carradayadu way nala caweeyaan,cuntadaan wadaagnaa,
  17. Culimada carradayadu casharada tafsiirka ah cod-kastay ku bixiyaan,
  18. Culimada carradayada cishiyo salaadaha casarkaan ku xidhanaa,
  19. Culimada carradayadu sida cidaha qaarkood cidla kama fadwoodaan
  20. Culimada carradayadu dadka kuma cabsiiyaan wax aan caadilkood odhan,
  21. Culimada carradayada kuwa caawa joogee muumin caashaqiis helay
  22. Muftiyada caddaanka ah bulshadooda ceeb li’I caawimada u fidiyaa
  23. Rabbi caabidiinta ah cabsi Eebbe lagu hubo caadka aan ka qaadee
  24. Codkar Aadan Siirihii berigii colaadaha maxaakiimta caabiyay cumdohooda weeyaan
  25. Cashar bixiye Sheekh Dirir,Mustafaha cajaladaha ku carrgaagtamayana isagaan hasoo celin
  26. Ina Cabdisalaan iyo,Cali Ina Warsame iyo
  27. Cabdillaahi weeye Cali Jowhar kuu dhalay,Cabdiqaadir iyo Xoosh,iyo caadilkii Khaliil iyo
  28. Berberaawi Calanside,Saameel cawaaliyo, Cali Geedi weeyaann
  29. cafis dalab salaadaha Jimcayaasha ciidaha Almisbaa ku caanoo caashaqa rasuul dhiga
  30. Casharada cadceed baxa Ruuxda lagu culaayee carabkiisa fududiyo Hurre curiyo wacanaa
  31. Culimada carradayadu isma caasiyeynee wey caqiibo badan yiin,
  32. Culimada caddaradayadu ciidan balo ma kiciyaan
  33. Culimada carradayadu colaadaha ma huriyaanoo ficil Eebbe cadha gelin way kaba cabsoodaan
  34. Culimada carradayadu dhakhaatiir caweyn iyo arday soo ciyaartiyo caruuraha ma laayaan
  35. Culimada carradayadu sida cidaha qaarkood caalim diinta fidiyiyo muftiyada cisiga mudan casarkii ma
    tooogtaan
  36. Culimada carradayada culuuntaas tafsiirkiyo,xadiis loo carraabiyo masjidkaa u caado ah
  37. Culimada carradayadu cilmigay waraabshaan cidkastooy ag joogaan
  38. Culimada carradayadu cilmi baaxad weyn iyo xigmadday carbinayaan
  39. Culimada carradayadu ciil qabeeno may noqon ku cadgoosto miinada,
    culimada carrayadau dar cummaamad weynoo Cunugyada qarxaaxiyo dira caasi may noqon
    Culimada carradayadu xinjir caallee daadshiyo dhiig kuma cillaantaan
    culimada carradayadu dar caloosha buuxshoo la ciyaara maaha
    culimada carradayadu xagjir cidhif fog gaadho aragtida ka caydhoo cidla taagan maaha
    culimada carradayadu Amiir Cali kuwii beri cilmgiisii diidee Aayad qudha cantuugee is cufaayay maaha
    Culimada carradayadu kuwo qolo cajabisoo,qolo kale canaantoo qabiil caaya maaha
    culimada carradadayadu xukun doon cartamayoo cishaday dadweynuhu madax kale cod siiyaan colaad
    oogo maaha
    culimda carradayadu wadaad xumme cag fududoo dowladaha la ceeshoo dadka ceeb marmariyoo
    wareegsan maaha
    culimada carradayadu caqli gaab lumaayoo caamadooda laayoo calaf gooyo maaha
    culimada carrayadadu muslin soo carraaboo salaadaha cammirayana cawaan uma yaqaanaan
    culimada carradayadu cidda nabadda jecel iyo Itoobiyada caanka ah Ogaadeen col lama aha
    culimada carradayadu Oromiyo caruusiyo Agzum cidaha yaaliyo Amxaarada col lama aha
    culimada carradayadu Carabta iyo Shinaha Cajabta iyo reer Yurub Somalida col lama aha
    Culimada carradayadu Absamaha carriga yaal,kuweer cidaha naga xiga Jabuutina col lama aha
    Culimada carradayada cisigoodu mudanaa,caqligoodu saxanaaa,cibaadada u diranaa,Eebbe ka cabsi
    jecelaa,cilmigoodu waa bade cidkastaba halka u daran wey ka caawin karayaan
    Culimada carradayadu ka cugtamina maayaan,ku cannaanan maayaan,lana ciyaari maayaan, Cagjar way
    arkaayaan Iyo caynka uu u jeedaa.

COMMENTS
LINKS