M/weyne Cagjaroow Dadka reer Somaliland iyo Culimadoodu Balaayo Ma Abaabulaan
December 17, 2018 - Written by Wariye:
Bismillaahi raxmaani raxiim 16.12.2018kii Qore taariikhyahan qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley), Waxay dadweynaha reer Somaliland todobaadyadan isweydiinayeen,ma m/weynihii d.deegaanka Somalida Mr Mustafe Cagjar ayaa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ku sheegay meel Itoobiya xummaanteeda laga abaabulo ama meel ay kooxaha kharaxyada sameeya ay ku dhuuntaan?.Nin reer Dhagaxbuur ah oo Hargaysa degan ayaa isaga oo ka hadlayay arrimtaas ayaa yidhi,Aga Aga Aga,waar go’aan ahayn, illeen wiilkan madaxweynaha ah ee Mustafe Cagjar,dhaqanka dadka Somaliland ma yaqaano!!,soowtii aan maqli jiray Ina Cagjar dalka Somaliland ama Hargaysa marar badanbuu booqday? Aan idhaahdee,mudane madaxweyne horta hadalkaas lagaama filaynin adiga,maxaayeelay reereheena geelasha ayaa isugu jira,oo meel walba wey wada degaan,xooleheenuna ceelkasta way ka wada cabbaan,tigaankastana way wada daaqaan,Afmeer iyo Idhanka Gaaroodi,Hundaha iyo Haradigeed,Bullaale iyo Weylalaguxidh,Gunnagadiyo iyo gudaha Dhagaxbuur,Yoocaale iyo Cobolle, Awaare iyo Galduur ilaa oogada ballaadh agteeda reereheenu sida aqal iyo albaabkiis ayay isku yihiin. Horta Cagjaroow ma dambaabayo haddii aan kugu idhaahdo,waxad tihiin uunbaanu nahay,hadddaanu reer Somalilnd nahay,idinkuna waxaanu nahay uunbada tihiin,maxaayeelay waxad tihiin reeraha jihada koonfureed ilaa jihada galbeedka nagagasoo oodan ee sida mareedaha aqalka noogu dhereran bari illaa galbeed,waxa keliya ee aanu idinku anqaanay,in marka aad isyeelyeeleysaan aad odhan jirteen “Iidoorku waa gaalo”,taasna waxba kamasoo qaadno oo islaanimadayadu mid aanu ansixinteedu Ogaadeen saxeex uga doonaynaynay ma aanay ahayn,mana noqon doonto,waxaanu ku qanacsanahay,islaanimadayada,muuminimadayada iyo muxsinimadii awoowyadii aanu ka tafiirnayn ee culimada iyo caalimiinta diinta islaamka fidiya ahaa,waxanu citiqaadsanahay.(toolmoonihii Maxamedbaa(csw) utagay ilaahaye,towxiidku nafaray looxyadeey noogu taal weliye,waa tiir aan naga liicahayn taanu leenahay), Cagjaroow Maxad ka Ogtahay Kooxaha Aragtiyaha Diineed ee Khaldan Qaatay ee Xuduudihii Islaamka ka Baxay? Waa hal qabsigii bulshada reer Afdheere Ina Aaboow bal anigu waxyaalo aaanad ka ogeyn kooxaha xagjiroobay eeislaamka iyo waxay aaminsan yihiin ma kaaga warramaa?.mudanoow Cagjaroow waxan kaaga warramayaa,2 arrimood,koow caqiidadayada suuban ee dadkayaga,culimadayada khayrka badan iyo calool wanaagga bulshadayada reer Somaliland. Waxa kale oo aan kaaga waramayaa,laba caqiidada qalloocan,culimada sharka abaabusha iyo cidhib xummada halkay ku arooraan.madaxweyne wax isu sheeg ma xummee wax isweydaarisbaa darane,bal qisadan soo socota aad u dhegeyso oo si fiican u dhuux. “Waxa la joogaa,goob uu Nebi Muxamed (csw) axsaabtiisii qaniimad ugu qaybinayay,dabadeedna ninbaa soo agjoogsaday nebiga oo ku yidhi,Maxamadoow caddaalad samee,Maxamadoow caddaalad samee!!(waaryaadhehee waar ninku af adkaayaa waar ninku af adkaayaa.markii ay nebigeenii suubanaa dhegihiisu maqleen weedhihii foosha xummaa ee ninkaas afkiisa kasoo baxayay ayuu inta uu jalleecay ku idhi,hadal nuxurkiisu sidan ahaa,”waar hoogaagee haddaan anigu
caddaalad sameyn waayo yaa kale oo caddaalad laga sugi karaa),am waar hoogaagee haddaan caddaalad sameyn waayo soow aniga hoogi maayo ama hadal la mid ah. Markii uu ninkii khaldanaa ee dhaliilayay habka uu nebiga wax u qaybinayay,ee weliba hadalkiisa ay ka dhadhammaysay inuu isagu nebiga ka caddaalad wanaagsanaan lahaa,ayuu Cumar binu Khaddaab aad uga cadhooday hadalkii foosha ee nebigeenii ku lahaa ayuu Cumar haldlay oo uu yidhi,rasuulkii ilaahayoow ninkan kurka ma gooyaa?,markaasuu suubane Nebi Muxamed calayhi salaatu wasalaam,Cumar ku yidhi,maya dilimayno,maxaayeelay waxan diidayaa in la yidhaahdo,Muxamed axsaabtiisii ayuu laayay,ninkanina dad kooxdiisa oo noociisasa ah ayuu ka mid yahay,kuwaasina waa dad diinta islaamka uga dhexbaxay sida uu leebku uga dhex boxo wixii lagu ganay,leebkaasoo aanay wax calaamad ah kasoo raacin wixii uu ka dhexbaxay sida dhiig,uus iyo raadtoona aanay kasoo raacin ugaadhii lagu ganay uu dhanka kale uga baxay.nimanka uu ninkan aniga caddaalada fal igu leh ka mid yahay,waa kuwo aad la yaab u leh,maxaayeelay marka aad quraan akhriskooda aragtaan,waxad yaraysanaysaan quraank akhriskiina,marka ada salaadooda eegtaana waxad yaraysanahaysaan salaadiina,markaad soonkooda aragtaana waxad yaraysanaysaan soonkiina,laakiin waa dad aanu quraankooda iyo cibaadadoodu kalxamahooda hoos u dhaafin,micnaha dad aanay diintu qalbigooda galin,kuwaas waxa uu nebigu ku tilmaamay,culimada xun ama wadaad xumayaal,(culimatu suu), waxa kale oo uu ku tilmaamay inay yihiin,dadka sharwadayaal ah oo in lala dagaalamo ay waajib tahay.Waxa kale oo uu nebigu tilmaamay, inay nimanka fikraddaas aaminsan ay soo ifbixi doonaan,xilli uu khilaaf taagan yahay oo musliintu uu khilaaf dhex gali doono. Hadaba waa xajoo gudo weyn oo halkan kuugumasoo koobo karee,inta aan ka fahamsanahay,khilaafkii kooxdii uu ninkaasxummi horseedka u ahaa waxa uu soo ifbaxay,xilligii uu dhacay khilaafkii siyaasadeed ee muslimiintu u kala jabeen,axsaabtii badnayd ee amiirnimadii Cali Bin Abii Daalib taageersan iyo fariiqo muuminiin ahaa oo ninkii amiirnimadii Cali diiday ee Mucaawiye bin Abii Sufyaan taageertay. Hadaba dhinicii Amiir Cali ayay ayiday ayay fariiqadii uu horseedka u ahaa ninkii Nebiga caariday ee Muxamadow caddaalad samee ku lahaa ,waxa la yidhi,muddo yar dabadeed hadana kooxdii cusbayd waxay kasoo horjeedsatay Sayid Cali,iyaga oo u arkayay inuu Sayid cali Bin Abii Daalib iyo taageerayaashiisiiba ay diintii Islaamka ka ridoobeen,waxa la yidhi,fariiqadii cusbayd si waayadii hore marka ay khudbadaha Jimcaha ee sayid Cali ay ummaddu dhageysanayso,ayay inta ay masaajidka xaggiisa dambe ka dhawaaqaan,ama ka dhex istaagaan,ayay ku odhan jireen sayid Cali ilaahay ka cabso “Yaa Caliyu Khaaf rabak”, Fariiqadaas waayadii dambe waxa loo bixiyay magaca”khawaarajiinta”oo micnihiisu afsomali ku yahay fallaago,(XERO ISLAAM KA BAXAYAAL),nimankaas waxa la sheegaa,inuu khilaafkoodii markiiba uu dagaal gacan ka hadal ah oo ay Sayid Cali ku qaadeen isugu rogay,gacan adaga ayuu sayid cali ku dhuftay fariiqaddaas laakiin inkasta oo ay tabar gabeensi dhuumasho ahna fikraddooda ku faafin jireen khawaarijiintu,aakhirkii waxa la sheegaa in ninkii dilay Sayid Cali uu fallaadaas ka mid ahaa,uuna aaminsanaa inuu dilay nin gaal ah oo uu janada ku gali doono dilkiisii Cagjaoroow saaxiib halkaas waxad ka garanaysaa inay nimnakaas fallaagoobay ay ahaayeen,fariiqo ay diintu ku qaloocatay,kuwaasoo uu shaydaanku u qurxiyay dariiq khaldan oo baal marsan, axkaamta shareecada islaamka iyo nidaamkii wanaagsanaa ee ay dowladdii muslimiintu ku socotay,ee ay muuminiintu ku kala dambeeyeen isuguna hooganasanaayeen, Fariiqadaas islaamka ka fallaagowday,Shaydaanka ayaa u qurxiyay malo awaalkoodii iyo aragtidoodii aan cilmiga iyo xigmadda badan ku dhisnayn,ee axkaamta shareecada islaamka daba marsanayd,taariikhdu waxay inoo sheegaysaa,inay fariiqadaasi ku talaxtageen cadhadii siyaasadeed iyo aragtidooda xagjirnimada fog ku dhisnayd,kuwaasoo aan inyarna wax tanaasul ah la immanin,ilaa aragtidoodi khaldanaydana sii buunbuuniyay ilaa ay aad ugu fogaadeen dadkii musimiintii ahaa oo ay diintii islaamkaba ka dhex bexeen ama ay diintiiba ka xuubsiibteen. Dhulka Somalida iyo Sidii ay ugu Faaftay Aragatidii Fariiqadii Islaamka ka Fallaagowday!
Aan soo daadegnee,dadka qowmiyadda Somalida ahi,dhaqan umayn lahayn khilaaf diineed iyo kooxo xagjir ah oo
bulshada ka dhex baxa.balse waxa uu khilaafkii diiniga aha aka bilaabmay Somaliya,markii ay dowladdii militeriga
ahayd ay Aayadaha quraanka ku xad gudubtay,kadibna ay culimadii Somaliya qaarkood ka horyimmaadeen,go’aankii
ay sharcigii ay xukuumaddii Siyad Barre soo saartay ee ragga iyo dumarka xuquuqda siman ay ugu yeeleysay,gaar
ahaana markii ay ku dhawaaqday xeerkii qoyska ee waxkasta ka simmayay ragga iyo dumarka,weliba si isle’eg ugu
qaybinayay ragga iyo dumarka xoolaha ay waalidkood ka dhaxlaan.
Cadhadii dadweynihii Somalidu ay diinta ugu hiilanayeen iyo sheekooyinkii ka dhashay gafkii diineed ee uu Maxamed
Siyad Barre ku toogtay12kii nin ee culimada ahaa 1875tii ayaa,muran badan iyo khilaaf ballaadhan ka dhex abuurtay
ummaddii iyo culimadii Somalida,waxay dadweynuhu ama culimadii dalku hoos hoos ugu sheekeysan jireen ararimahan.
Inay raggii golihi sare ee kavaankii Okt.iyo raggii wasiirada ka ahaa dowladdii Siyad Barre ay diintii ku
xadgudbeen oo ay Daalimiin xadgudbay noqdeen
3. in raggii golaha sare ku jiray iyo raggii wasiirada ka ahaa dowladdii Somaliya ay gaaloobeen oo ay diintii ka bexeen
markii culimadii12ka ahayd la toogtay,culimo badan ayaa ka carartay dalkii somaliya kuwaasoo dalalka Carabta u yaacay,kuwaasina waxay soo afuufi jireen,fadwooyin diineed oo liddi ku ahaa madaxdii somaliya oo khatar ahaa,ugu dambayntiina niman Somaliya ka yimmid oo arday ahaa oo jaamacadaha dalka Sucuudiga gaar ahaan jaamacadda madiina dhigan jiray,ayaa waxa haleelay nin macallin u ahaa oo dalka Masar u dhashay,kaasoo hore usoo akhriyay kadibna aaminay,fikrad diineed oo uu qoray,sheikh weyn oo Masri ahaa oo ay dowladdii Jamaal Cabdinaasir khilaaf diineed dartiis xabsi dheer ugu xukuntay, Buugaasoo xambaarsanaa mabaadii diineed oo aan odhan karo waxa hal abuuray nin aad u cadhaysan,mabaadiidaasoo madaxdii dalka Masar ku xukumaysay inay dhammaantood wada ridoobeen oo diintii ka bexeen,shacabka taageersanna ku xukumaysay,dad diintii ka baxay oo gaalnimo taageeray,buugaasoo dadka muslimiinta ah ku dhiirigelinaysay,in la dhiso urur diiineed cusub oo Masar iyo waddamada kale ee hore diinta islaamka u qaatay ee xukuumado la nooc ah ta ka talisa dalka Masarba kusoo dabaalaya diintii Islaamka. Fikraddii noocaas ahayd ayuu macalinkii ka dhaadhiciyay ardaydii Somalida ahayd ee jaamacaddas madiina dhigan jirtay badhtamihii 70naadkii,kadibna ardaydii iyaga oo fikraddaas higelinaya ayay asaasidda ururo diineed oo cusub ka bilaabeen Somaliya gudeheeda 1978dii.ururo diineed ooay hgaaminayaan raggii fikraddaas aqbalay ayaa ku faafay goboladii iyo magaalooyinkii dalkii Somaliya la odhan jiray,marka laga reebo goboladii woqooyi kuwaasoo sida waxbixintaasi tilmaamayso ay culimadoodu hore u lahayd urur hore oo Waxdatu Shabaab Al Islaam la odhan jiray, kaasoo ku xidhnaa ururka ikhwaanul muslimiinta ee dalka Masar,ikhwaankaas Masar oo 50naadkii la asaasay uuna markii hore xubin ka ahaan jiray macallinkii ardaydii Somalida ee jaamacadaha sucuudiga dhigan jirtay XERO MUSLIN KA SAARAY Hadaba Ilaahay ha ka abaalmaro dembigoodana ha ku dhaafee,culimadii yaryarayd ee khayrka badnayd ee sanadihii 1970naadkii ka horjoogsatay dadkii ku noolaa waddanka Somaliland faafistii fikraddaas “XERO MUSLIN KA BAXA”,ahayd waxa ka mid ahaa, Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun,Sh Cabdiqaadir X.Jaamac “Gandhweyne”, Sh Xasan Cabdisalaan,Sh.Ismaaciil Hurre”Dheeg”,Sh.Cabdiraxmaan,Maxamed Yuusuf,M.Cabdi Daauud iyo qaar kale. Hadda m/weyne Cagjaroow fahan oo fikraddii amaragtidii diineed ee ay aaminsanaayeen fariiqadii Sayid Cali bin Abii Daalib ka fallaagowday,waa nimanka aad u fog oo, innaga qarniga 21ada nool daayo amiir Cali Bin abii daalib oo ahaa qofkii saddexaad ee Nebi Muxamed rumeeyay iyo axsaabigii ugu cilmiga badnaa muuminiinta saddxedi khaliif eek a horeeyay dabadeed ayay fariiqadaasi u aqoonsanayd inuu yahay,nin Gaal ah oo ka baxay diintii islaamka,bal maxaad u malaynaysaa innaga cahdigan joogno. Waxa la yidhi,aragtidii diineed ee Xero islaam ka saarku,iyada oo magacyo urur diineedyo islaamiya huwan ayay si xawli ah ugu dhex faaftay dadweynihii dalkii Soomaliya la odhan jiray, marka laga reebo goboladii Waqooyiga oo wufuuddii loo diray ay usuuroobi wayday inay ku faafiyaan,halkaasoo Waxdatu Shabaab ay ku guulaysteen inay horjoogsado faaffistii fikraddaas khatarta ah..
Cagjaroow Imaqaloo Car ma kuu Tilmaamaa Culimada Carradayada?
Saaxiibayaal waxa akhris dheer dabadii waxan idinku yara jalbebinayaa,hees ama geeraar aan idiinku suuraynayo
culimada dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhaqanka wanaagsan ee eebbe ku galladay, iga gudooma.
Cagjar ma I maqlaysaa,culimada carradayadu cod yar aan sheegee,caddaan waxay u leeyihiin,cilmi waxan yaqaanaan intuu caadilkood baray,cashar waxay nasiiyaan,caadiii ambiyadiyo,carbiskii rasuulkiyo intii culimadii hore cumuumkoodu raacee caddaan ay u mariyeen.