Itoobiya oo Biloowday In Cidamadeeda Ay Kala Soo Baxdo Deegannadii Lagu Muransanaa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Biloowday In Cidamadeeda Ay Kala Soo Baxdo Deegannadii Lagu Muransanaa
December 17, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ciidammada Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan deegannada xadka labada dal ee horre dagaalka horseeday, waxayna arrintani daba socotaa markii Eritrea iyo Itoobiya bishii July ee sannadka ay kala saxeexdeen heshiis nabadeed.

Wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb tahay dhaqan gelinta heshiiska labada dal ay kusoo afjareen colaaddii dhanka xadka oo ay kumanaan qof ku dhinteen.

Shan bilood kaddib markii hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ay kala saxeexdeen heshiiskii nabadeed, wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya waxay xaqiijisay in ciidammada ay kasoo saari doonaan deegaannada xadka dhaca ee lagu muransanaa.

In Itoobiya ay ciidammada kasoo saarto halkaasi waxay ka mid ahayd codsiyadii ugu muhiimsanaa ay Eritrea soo jeedisay ka hor heshiiska.

COMMENTS
LINKS