|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya oo Arrin Dhibaato Badan Lagu Qabay Xal U Heshay
December 21, 2018 - Written by Reporter:Addis Ababa (WJN)- Markii ugu horreysay taariikhda dalka Itoobiya shacabka dalkaasi waxay helayaan qiimo dhimis dhanka isgaadhsiinta ah gaar ahaan qiimaha telefoonada. Shirkadda kaliya ee isgaadhsiinta ee ka jirta Itoobiya ee Ethio-Telecom ayaa ah mid ay dowladda gacanta ku haysa, waxaana muddo aad u dheer ay dadka dalkaasi ka cabanayeen qiimaha wicitaanka oo aad u qaali ah, gaar ahaanna marka ay wacayaan telefoonada dibadda. Shirkadda isgaadhsiinta dalkaasi ayaa hoos u dhigtay boqolkiiba 10 ilaa 40 qiimaha wicitaanka telefoonada dibadda. Waxaa sidoo kale hoos loo dhigay qiimaha fariimaha telefoonada gudaha. Shacabka ayaa kharashaad badan kaga bixi jiray wicitaanka dalalka dibadda, dadweynaha cabasho ayaa marar badan ka muujiyeen. Shirkaddan ayaa hadda ka hor hoos u dhigtay qiimaha lagu isticmaalo Internet-ka. Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa kusoo warramaysa in dadweynaha ay la dhaceen go’aanka shirkadda ay hoos ugu dhigtay qiimaha wicitaanka iyo farrimaha isla markaasna ay si weyn usoo dhaweeyeen. Dad badan ayaa rumeysan in shirkadda isgaadhsiinta qaran lagu naas nuujinayo xukuumadda balse baarlamaanka dalkaasi ayaa horre u ansixiyay in qeyb kamid ah saamiyada shirkaddan laga iibiyo shirkado gaar loo leeyahay ama shirkado ajaanibah si fa’aaido ay dowladda uga hesho. Dadka isticmaaclaa adeegyada shirkadda Ethio-Telecom ayaa lagu qiyaasaa inay gaadhayaan 67.5 bilyan oo qof. Tallaabada ay shirkadda ku dhawaaqday ayaa ka qeyb ah isbadallada ka socda dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay ra’iisal wasaare Abiy Axmed. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|