Hooyo Tahriib Ku Dhashay oo Iyada iyo Ilamaheedii La Soo Badbaadiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hooyo Tahriib Ku Dhashay oo Iyada iyo Ilamaheedii La Soo Badbaadiyay
December 23, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Malta ayaa diyaarad ku soo qaadday cIlmo yar iyo hooyadii oo ku sugnaa Markab ay leedahay hay’adda samatabixinta ee badda Mediterranean-ka oo fadhigeedu yahay dalka Spain.

Ilmahan yar ayaa xeebta dalka Liibya ku dhashay Saddex maalmood ka hor inta ay hooyadii soo raacin doonidii ay ku tahriibtay.

Hay’adda ayaa sheegtay in nolosha Ilmahan yar ay khatar ku jirto.

Markabka hay’adda oo soo badbaadiyay dad gaadhaya ilaa 300 oo qof oo ay ka mid ahaayeen Ilmaha yar iyo hooyadii, ayaa loo diiday in ay galaan waddamada Talyaaniga iyo Malta inkastoo ay Malta iska fogeeysay eedeeymahaasi.

Malta ayaa sheegtay in markabka uu saraakiisha u sheegay in ay haystaan wixii ay ku noolaan lahaayeen laba maalmood.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Talyaaniga Matteo Salvini oo ka tirsan xisbiga midigta fog ayaa bartiisa ku soo qoray ” dekedaha Talyaaniga waa la xidhay” sidaa darteedna aanan loo ogolaan doonin in muhaajiriinta ay soo galaan.

Hay’adda Proactiva ayaa shegeeysa in markabkeeda uu haatan ku wajahanyahay dekedda Algeciras ee koonfurta Spain, halkaas oo la filayo in muhaajiriinta lagu dejiyo.

Dawladda Spain ayaa warbixin ku sheegtay in markabka sida muhaajiriinta loo ogolaaday in uu soo aado dhanka Spain, kadib markii loo diiday in uu ku xidho dekedaha u dhaw.

Safarka Spain ayaa waxa uu qaadanayaa muddo shan ilaa iyo lix maalmood ah laakiinse Markab kale oo ay hay’adda Proactiva leedahay ayaa ka hor imanaya, kaas oo sida waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahanyihiin.

Dhanka kale hay’ad Jarmalka laga leehay oo lagu magacaabo Sea-Watch ayaa sheegtay in ay badda ka soo badbaadiyeen 33 qof oo muhaajiriin ah, iyagana waxa ay dalbanayeen dekedd ay ku soo xidhaan.

Hay’adda Socdaalka Aduunka ee (IOM) ayaa sheegaysa in 1’300 oo qof oo muhaajiriin ah ay naftooda waayeen tan iyo biloowgii sanadkaan iyagoo isku dayaya in ay gaadhaan Talyaaniga iyo Malta.

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS