|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay’adda ICG Oo Warbixin Kasoo Saartay Sida Ay Dawlada Somaliya Ula Dhaqantay Sheekh Mukhtaar Roobow!
December 25, 2018 - Written by Editor:Muqdisho (W,N) – Hay’adda ka-hortagga xasaradaha caalamiga ee ICG waxay warbixin dheer ka qortay shaqsiyadda Mukhtaar Roobow, mansabkiisii Al-Shabaab, isku-soo-dhiibistiisii dowladda Soomaaliya, murashaxnimadiisa madaxweynenimo ee Koonfur Galbeedlabeed iyo xariga ay dowladda federaalka Soomaaliya kaga hor joogsatay hankiisa madaxtinimo. Warbixinta oo cinwaan looga dhigay: “Koonfur Galbeed: madaxweyne la caleemo-saaray iyo xiisad oloshay”, waxa lagu xusay in bishan 19-dii ay xildhibaanadda deegaanka ee Koonfur Galbeed u doorteen C/Casiis Maxamed “Lafta-gareen” inuu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed, doorasho kulul oo baahin karta deganaansho la’aan cusub, waa sida lagu qoray warbixinta. Rashiid Cabdi oo ah cilmi-baadhe ka tirsan hay’adda ICG ayaa qoray warbixintaasi oo biyo-dhaceeda u muuqato falanqeynta dhacdooyinka ku xiriirsan doorashadaasi iyo xadhiga Sheekh Mukhtaar Roobow (Abu Mansuur), kaasi oo ay dowladda federaalka Soomaaliya ka reebtay tartankii doorashadii madaxtinimadda ee maamulka Koonfur Galbeed. Warbixinta waxaa lagu muujiyey inuusan C/Casiis Lafta-gareen oo horey xildhibaan iyo wasiir soo noqday inuusan doorashadaasi ku guuleysan kari lahayn dowladda federaalka Soomaaliya la’aanteeda. Warbixinta ICG waxay kaloo ka hadashay soo-dhaweyntii dowladda federaalka Soomaaliya ee Mukhtaar Roobow iyo murashaxnimadiisa doorashadda Koonfur Galbeed, taasi oo ICG sheegtay inay dowladda federaalka Soomaaliya markii hore murashaxnimadda Mukhtaar Roobow uga dan lahayd in lagu bara-bixiyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ee is-casilay, Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda waxay wax ka bedeshay shaxdii Mukhtaar Roobow, kadib, markii ay muuqatay in laga yaabo inuu ka guuleysto murashaxii lafta-gareen, waa sida ICG hadalka u dhigtay. Faragelintii dowladda federaalka Soomaaliya ee doorashadii Koonfur Galbeed waxay ICG ku tilmaamtay mid ay dowladda federaalka Soomaaliya muhiimad ku siinayso in nidaamka maxaliga ee awood-qeybsiga lala qeybsado islaamiyiinta muxaafidka ah. Docda kale, Mukhtaar Roobow oo la rumeysan yahay inuu 50-jir yahay waxa uu ka mid yahay islaamiyiinta caanka ah ee sharciga islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana khabiir ka so oqeyb galay dagaalki Afghanistan ee looga soo horjeeday ciiddankii midowgii Soofiyeeti, wuxuuna marki idambe waqti kooban maamulayey hay’ad samafal islaami ah oo ay Sacuudiga maalgelin jirtey. Warbixinta oo aad u dheer waxaa kaloo lagu muujiyey inuusan jirin tartan haatan u dhexeeya siyaasiyiinta islaamiga ah iyo kuwo cilmaaniyiinta, oo ay ugu waa weyn yihiin kooxaha Ala Sheekh, Dam Al-Jadiid iyo Al-Ictisaam, waa sida ICG qortay. Warbixinta waxay saadaalisay in tartanka kooxahaasi aad loo dareemi doono marka la gaaro doorashadda la qorsheynayo inay Somalia ka qabsoonto sannadka 2021-ka.
Xigasho: ICG
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|