|
|||||
WAJAALE NEWS
Hay”adda Dhowrista Tayada Somaliland oo Albabada U Laabtay Mid Ka Mid Ah Shirkadaha Sharaabka
December 9, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Hay”adda dhowrista tayada Somaliland ayaa maanta albaabada iskugu dhufatay mid ka mid ah Shirkadaha sharaabka soo saara oo ku taala Hargeysa. Guddoomiyaha hay”adda dhowrista Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo ay weheliyaan xubnaha gudida dhowrista tayada oo si wada jira shir shir jaraa’id ugu qabtay xafiiskooda ayaa sheegay in kadib baadhitaan dalka dibadiisa ay ku soo sameeyeen wax soo saarka shirkada U-FRESH ee soo saarta cabitaanada sharaabka kala duwan ay ku ogaadeen inay ku jiraan waxyaabo wasakhaysan, sidaa darteedna ay go,aan ku gaadheen in suuqa dib looga soo celiyo ama dib looga soo uruuriyo wax soo saarka shirkadaasi. Dhinaca kale gudida dhowrsista tayada ayaa sheegay in ay joojiyeen wax soo saarka shirkadaasi, Ilaa amar danbe ka soo baxayo.
Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:“Cirro Ayaa Imika Soo Dagaayee Hargeysa Wixii Mucaarid Ahi Waa Inay Dhaqaaqaan Oo Ay Garoonka Tagaan... “Waxa Ayaan Daro Ah In Maanta Xasan Shahar Yidhaa Sheekha Ayaan Laba Bog U Iibinay, Xataa Maayarkii ... Muuse Biixi oo Faashkii Musharraxnimada la Fuulay Daahir Rayaale, Kuna Tilmaamay Faqashtii Halganka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|