Hadrawi Alle Ha Caafiyo “Mar Hadaanad Geerida Horteed Geesiga Aqoonsan Goblan Weeye Somaliyey Garashadaadiiye”Dun-Carbeed” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadrawi Alle Ha Caafiyo “Mar Hadaanad Geerida Horteed Geesiga Aqoonsan Goblan Weeye Somaliyey Garashadaadiiye”Dun-Carbeed”
December 15, 2018 - Written by Editor:

Mais Weydiisay Weli Xagee Ku dambeeyey, Mufakarkii, Mu’Alfikii, Macalinkii Afkeena, Maanso-yahankii mudh-baxay, Aragti-Dheerihii, Af-Ku hal gamaagii,Af-Maalkii,Hal-Doorkii, Halyeygii,Hal-Abuurkii,Hoga-Tusihii-Nololeed,Mujaahidkii, Mudakarkii, Filosefeerkii,Siyaasigii dadbanaa, Sheedka Aragii, Sheegaa-La aragii, Toosiyihii, Tilaamihii,Nooleeyihii-Dhaqankeena iyo Afkeena, Xidigeenii, Abwaan Maxamed Ibraahimwarsame Hadraawi.

Sanado Ka hor-Waxa Uu ahaa Dayax-Heego jooga’

Waa Dhab In Hal-Abuurada Maanta Uu u yahyay Darajo-Ay Ku Taamaan kuna Talo-galsanyihiin Inay Gaadhaan Maruun, Waana shakhsi Magaciisa Iyo Miidii-Macaaneyd Ee Miisaanka Maansooyinkiisu Aanay Marnaba Ka tirmayn MaankaUmmada Somalilada Gaar ahaan’ Somaliland, Waana Xidig Mar Dunida Soo maray OoSomalida Nasiibku siiyey.

Waa Hal-abuurka Loogu Daliishiga badan yahay dhanka Suugaantiisa, SuugaanyahanadaSomalida, Weji kasta iyo Wacyi Kasta.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, Waxa Uu Wakhtigan Ku nool yahay Magaalada Burco Gaarahaan’ Xaafada Loo yaqaan “City-Plaza” Oo ku Taala Bariga Magaalada Burco.

Hal-doorka Muuqaal-Duleedkiisu iyo Dhogortiisuba Ma xuma’ Marka Aad Deymo-DareenMilicsato’ Dayac iyo Diifina Ma haysato, Oo waxaa Garba-jooga Dad Diranayaalah’ Oo Daryeelkiisa U Heellan, hadh iyo habeen, Oo Qoyskiisa iyo Qaraabadiisaah’iyadoo Caafiyada Iyo Cilfaha Xanuunba Eebe Keeno,

Hadana Hal-doorku Mucaarad, Muxaafid iyo Muwaadin Shacababa

Waxa Uu inaga Mudan yahay Duco, Inuu Ilaahay Cimri- dheeri iyo Caafiyad Siiyo.

Waa inaynu Ka bulsho ahaan U muujino Dad jacaylkii iyo Dal jacaylkii uu inoo Muujiyey Markii Uu Caafimaadka Ku tixaynayey, Ee uu Tabaaladii,Tawstii,Tiiraanyadii, Tacadigii, Takri-falkii Tawaawacii, Tambaabusidii, siyaadbarre Ku haye Dadkeena, Ku Tacbiiranaayey Kuna Tilmaamayey Sawir-Suugaaneed,Gooddi iyo Gacansiina, Geesiyadeenii Geyiga Xoreeyey. Halgankii Dib u hanashadadalkana Hareertiisa Ka Qaatay, isagoo Xabsi-dheer iyo Xadhig ku mutaystay

Qalinkii: Fadxi Garaad Ciise

Cont: Aqoonyahanfadxi

COMMENTS
LINKS