Ha I Odhan Siyaasad Muu Ahayn Shirkii Djibouti, Intuu Siyaasad Dhaafay Ayuu Ahaa….By Prof Cabdi Cali, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ha I Odhan Siyaasad Muu Ahayn Shirkii Djibouti, Intuu Siyaasad Dhaafay Ayuu Ahaa….By Prof Cabdi Cali,
December 19, 2018 - Written by Editor:

Fiqiga Siyaasadda Arrimaha Dibadda Ee Waraabiya Danaha Dhaqaalaha!!!

Ku ye: si fiican bay u doodeen hebel iyo heblaayo; ii kaadi; ii kaadi; halkaa ha iiga bilaabin; dood qurux badan iyo waxaas ma aha arrinku ee bal in yar ii sabir, aan kaaga dhaco xaajadan dhumucda wayne!!!

Dadkeena ka qayb galay shirka Djibouti waxay ku doodayaan, muu ahayn shir siyaasadeed. Waxan idiin sheegayaa inuu siyaasad dhaafay; Waxa furay M/weyne Geelle; waxa lagu qabtay Djibouti; horta garo cidda iska leh mashruuca siyaasiga ah; waxa isna fadhiyay Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Somalia; laguuma qarin waxa lagaga hadlayay shirka; waa isbeddelka geeska iyo saamayntiisa; arrinka ugu wayni waa dagaalka dekadaha!!!

Maxaad ka soo xaqiijisay adigu?; Djibouti shirku waxbuu u jarayay; wuxu jawaab u ahaa go’doonkii la galiyay? Miciyaha iyo muruqyada libaaxii Somali weyn ee beri hore fidigay ayuu harag been been ah u galinayay si uu rag ugu ku khuukhiyo?!!

Hadda waa Somali wayntii uu diiday inu noqdo mid ka mid ah geesihii xiddigta cad ee shanta ah ee loogu xuddun xidhay; ee ku taallay calankii loogu wanqalay; maalintaas oo ay galbatay wixii la odhan jiray riyadii somali weyn; anigu geeska kowaad baan ahaa; laba jeer baan Somali wayn deyn ku leeyahay; Muqdishaan geeyay calankaygii; haddana mar kale ayaan adhaxda kaga jabay raadinta geeskii saddexaad ee Somalida Ethiopia; ha i odhan maan ogeyn in Hageysa lagaga duulay Ethiopia, halka Xamar aanay dareemin ba dagaalkaas!!!; ninkii noolaa baa garanaya!!!; mar kale ayay juqraafiyaddu ila soo doonatay in aan dagaalkaa tunka u rito culayskiisa u badan.

Si kastaba ha ahaatee, waxbuu u jarayay shirku Djibouti; tol baan leeyahay buu daaraa!!! waana sababta uu u qabsaday shirka? adiga muxuu ku soo jaray?; ma ogtahayse wuxu ku yeelay immika?

Dhinaca kale, Muqdishona macne kale ayuu ugu fadhiyay shirkani; kaasoo aad uga duwankan Djibout ee aan soo sheegnay?!!; waxan qabaa sababta Ra’iisal wasaare kuxigeenka Somalia u yimi waxay ahayd in lagu yidhi waar kuwii Somaliland ayaanukuu casuumaynaa ee kaaalaya meesha ka dhigta fursad aad ku xod-xodataan dadkarayadka ah ee aan dawladda xilalka ka hayn; lama soo direen Mr Mahdi amaKhadar, nin ba sidu u yaqaan, haddii aan la casuumin ka qayb galayaashaSomaliland; Djiobutina way ku guulaysatay markaas in loo wada yimaaddo;

Wamaaadraaka (وما أدراك) maa Civilsociety? waa aalad lagu beddelo dhaqanka ummadaha (xasuso xeerkii kufsiga),isla markaana waa karbaash lala dhaco dawladaha marka la doonayo in aakhiro loodhaadhiciyo (political and cultural); waxa farsamadaa iyo fiqigaa aad u yaqaana nimanka reer galbeedka; waa sababta ay u koriyaan waxan ay ugu yeedhaan bulshada rayidka ah (civil society); qof kasta wuu garanayaa in lacag bilaashah aanay cidina iska bixin?!!; Waxaynu u baahannahay Civil society innagu aynuleenahay; oo aynu innagu maal galino; Civil society ga kale ee shaqeeya maanta,nasiib darro iyagana waxa laga leeyahay dalalka Carabta; gaar ahaan SaudiArabia, Qata, iyo UAE;waxba yaan hadal kugu daalinine, nin nool ma ahi; waxkale kuma garatide, reer galbeedna wuu igu qadeeyay; Carabina way igucashaysay; labiskii ayaa xataa la iga beddelay?!!! Brain wash!!!! maskaxmaydhis!!!.

Aanu soo noqdo mawduuceeniiye, shirka aad ka qayb gasheen waa shir aan ugu yeedhi karo shir goboleed siyaasad dhaqaale (Regional political economy forum), oo dawladda Djiobouti ugu xiddiganayso kaalinteedii dekadaha ee madanaha dabka loogeliyay!!!; waa daw in ay u kitaab furto iyo in ay uu gaamiso cidda ay uugaaminkartaba; kol ay soo bakhti afuufto ninkii Somaliga la odhan jiray oo beri horeda’ furay, oo aan geelba xero ugu jirin!!!

Maxaa keenay shirka madaxda Muqdisho; adiga kuwaagii xilka hayay meeye?; inaad iskagasoo noqotaan bay ahayd markaad aragteen in reer xamarku wataan madaxdoodii,idinkana aanu idinla socon qof kaliya oo xukuumaddiina xil ka hayaa? ; marumaysanayo in aad tidhaahdaan: we don’t even know how to read politics fromparticipants; let alone the host country, the title of the discussion alreadygiven and other associated factors put into context!!!

NB; Wali kama hadlin khasaaraha qaddiyada Somaliland ka soo gaadhi kara sawirka shirku bixiyay.

QALINKII; PROF CABDI CALI; fiqiga siyaasadda arrimaha dibadda iyo dhaqaale goboleedyada

COMMENTS
LINKS