Guud Mar:-Xogta Ku Duugan Buuga Hiigsi Iyo Hogaamin Oo Lafilayo In Uu Dhawaan Soo Baxo!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guud Mar:-Xogta Ku Duugan Buuga Hiigsi Iyo Hogaamin Oo Lafilayo In Uu Dhawaan Soo Baxo!!
December 14, 2018 - Written by Editor:

Waasadaro hufan oo aan ku habeeyay taariikh sugan.Waa Qoraal hido dhawra oo si hagar la’aana Bulshada S/land uga haqabtiri doonta hayaanka Dimuquraadiyada S/land iyo Maalmo maalmaha ka tilmaaman oo laga heshiiyay murano iyo khilaafyo siyaasadeed iyo Jidkii loo maray xalinta Khilaafyadii iyo muranadii ka dhashay qabsoomida Doorashayooyinka iyo aragtidii iska soo hor-jeeday ee hogaanka Sadexda Xisbi qaran Muxaafid iyo Mucaaridba ay qabeen,mudo Lix iyo Toban Sannadood ah oo S/land ka hirgashay Dimuquraadiyadu.

Markale,Buuga Hiigsi iyo Hogaamin.Waa halbeeg si saxa Bulshada Soomaalida ugu iftiimin doona,kaalintuu Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ku lahaa dardar galinta Doorashooyinka iyo Dimuquraadiyada S/land,iyadoo taariikhdu ka marag kacaysa in uu Madaxwayne Rayaale muddo Sadex Sanno gudahood ah uu ku qabtay Sadex doorasho,halka Madaxwayne Siilaanyo muddo Xileedkiisii Afar muddo kordhinood Golaha Guurtidu u sameeyay Golayaasha Qaranka muddo Todoba Sannadood iyo Bilo ah uu xilka hayay,

Muddo kordhintaas oo mugdi galisay rajadii Bulshada S/land ka qabeen in ay helaan.Dawlad Dimuquraadiya oo Xeerka iyo Sharciga ku shaqaysa,Dawlad taabogalisa Maamul wanaaga,isla xisaabtanka,Xoriyada Ra’yiga iyo Garsoor madaxbanaan .

 Mar kale,Qoraaga Buuga Hiigsi iyoHogaamin,waxuu Bulshada Soomaalida u ifttimin doonaa Jidkii loo maray buuxintaXillkuu ka Geeriyooday Gudoomiyihii Golaha Guurtida.Alle ha u naxariistee,ShIbraahin Sh Yuusuf Sh Madar oo sabobay in Golaha Guurtidu Kuraasta dhaxal kufadhiyaan Sadex Muddo Xileed iyo in ka badan,halka Golaha Wakiiladu Sadex Muddo Xileed Kuraasta mudo kordhin ku fadhiyaan.

Sidoo kale,Qoraaga buuga Hiigsi iyo Hogaamin,waxuu daaha ka qaadi doonaa in Gudoonka Sadexda Xisbi Qaran Kulmiye,Ucid iyo Wadani aanay u hagar bixin dardar galinta Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land,isla markaana ay noqdeen Siyaasiyiin isku hadafa,isku aragtiya oo fikir qudha wadaaga iyo sabobihii keenay Burburkii Xisbigii Udub oo ay ku abtirsanayeen ama ka soo baxeen 33 Xilldhibaan oo Golaha Wakiilada ah iyo Xeeladaha ku lamaanaa burburkiisa .

Ugu dambayn,waxuu Qoraaga Buuga Hiigsi iyo Hogaamin si toosa Farta ugu Fiiqi doonaa Tartankii Madhalayska ahaa iyo Dabaaldagyadii joogtada ahaa ee u dhexeeyay Garabyadii ku loolamayay Gudaha Xisbiga Kulmiye”sida,Madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi,Wasiir Samaale,Xilldhibaan Kinjaadhe,Wasiir Maxamed Biixi iyo duruufihii ku xeeraa doorashadii Madaxtooyada ee dalka S/land ka qabsoontay 13/11/2017 .

Waxaan Alle Ugu Mahad Naqanayaa Gunaanadka Qoraalka Buuga     (Hiigsi Iyo Hogaamin )

Qoraaga Sacad X Maxamuud Gadhle .

COMMENTS
LINKS