Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Maanso Kaga Dareen Celiyey Xaalada Abwaan Hadraawi Ku Sugan Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Oo Maanso Kaga Dareen Celiyey Xaalada Abwaan Hadraawi Ku Sugan Yahay.
December 26, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland Md.Maxamed Shukri Jaamac ayaa maanso kaga dareen celiyey dayaca iyo daranyada laga soo tebiyey Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, oo dhawaan walalkii Hure Walanwal Warbaahinta kusoo banydhigay xaaladiisa caafimaad.

Poet and living legend, Hadraawi, at Hargeisa International Book Fair 2013, Somaliland. Photo by Kate Stanworth

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo arintaas ka hadlaaya ayaa waxa uu kaga dareen celiyey qoraalkan kooban iyo maansada la socota oo uu kaga waramay arimo badan oo xaalada Abwaanka iyo dhaxalka uu ummadda Af-soomaaliga ku hadasha uga tagay waxaanu yidhi sidan:-

HADRAAWI !!!

Waxaa dhawaan warbaahinta kasoo muuqday Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) walaalkii Abwaan Hurre oo reer Somaliland ogeysiinaya in Abwaan Hadraawi xaaladiisii caafimaad kasii dareyso, wax ka qabashadeeduna dhaaftay awoodii qoyska.

Waxaan isweydiiyey sidey daw ku noqon kartaa in Abwaan Hadraawi xaaladiisu gaadho warbaahinta?

Miyaaney dhaliil weyn ahayn?

Maansadan soo socota waxay umada afka Soomaaliga ku hadasha xasuusineysaa, waxa Abwaan Hadraawi u taagan yahay iyo iney weji gabax ku tahay in culeyskiisu saaran yahay qoyskiisa.

MADHAX BUU KA TAGAY RUNA!!!!!

Hadii maanso iyo gabay

Maamuus ku xidhan yahay,

Hadii mawqif raganimo

Milge iyo xus leeyahay,

Hadii miiganaan iyo

Mayal adagi door yahay,

Hadii meeris iyo dood

Madal lagala sarakaco,

Keligii ismahadshiyo

Maroor uu ka diig yahay,

Musxul iyo gabood li’i

Mildhaw iyo cabsi la’aan

Lagu muujo dawgiyo

Sida marinku uu yahay

Manno beeninteediyo

Is magaabshe lagu duro,

Allaylehe mugbuu yidhi

Mug la mahadsbeybuu yidhi,

Mahadhooyin kala daran

Masalooyin dhaxal gala

Madhaxbuu ka tegey runa

Inta magaca soomaal

Jiro loo masalo tago.

Maskax caabuq galay iyo

Maan hinaase dhego tirey,

Mabda’ kale nin haystiyo

Masuug waa halkoodee,

 

Mahwi laysu soo baxay

Meegaar cidhiidhyoon

Mudaniyo marwiyo doob

Madaw iyo cadaan iyo

Muslin iyo wasani iyo

Mastar kiristan joogtaan,

 In markhaati loo furey

Inuu Maxamed gudashada

Maareynta hawlaha

Malko looga baahnaa

Miciin uu ka tari karo

Maalmii qadhaadhaa

Masalooyinkii dhacay

Meelcad uu ka taagnaa.

Hadii Maydal dheelmado

Mawlihiisu oofsado

Anigoon macbuudkay

Midhka uu sireystiyo

Maamulkiisa la ogeyn

Waxa loo maleeyaa

Maasha’e ferdawsiyo

Meel aaney eegmiyo

Milicsiga il bogatiyo

Maqal aanu sugahayn

Mush-mushaaxi doonoo

Maali doono naxariis.

Hadal waa magawgiyo

Mudka iyo amaankiyo

Midh horaadka qaadoo

Iska meeri dhiilkee,

Balse mudanayaashoow

Madaxyahay xujeysani

Waayahay nin magac iyo

Maal lagu majeertoow,

Hadhaw maalintuu baxo

Dunidaba ka madax gado

Miciinkiinu hadur iyo

Micno li’i kusoo dhaco,

Meyd u ooyidiisiyo

Muuqaal lasoo tubo

Meeshay tacsidu taal,

I arkaay maqlaay iyo

Iska maararow iyo

Adna madaxa soo geli,

Murugo aan qalbiga jirin

War munaafaq weeyoo

Macno keenimeysee,

Maahir waxa u dheregsi ah

Maankiisu jecel yahay

Masalaha dushiisiyo

Maqaamkuu ku talaxgabay

Asagoo mabsuudoon

 

Milgo-xumo tirsanahayn

Mawdka uu ku sugilaa,

In la maalo dhaxalkuu

Mudo dheer ku foognaa

Ku muteystey maag iyo

Middi loo afeystiyo

Mahurtada agteediyo

Minankiisoo laga hiro,

Mood iyo dhaqmaad iyo

Mulki kaleba soo gelin,

Ku dhameystey maalmii

Muhashadu agtiisiyo

Maqalkiisa jamatee,

Anna aan mar fiirsado

Miridh aan agjoogsado

Midigtiisa kaabsado

Mashquul lagu ahaayee

Magaciisu sudhan yahay.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland

Maxamed Shukri Jaamac

 

 

COMMENTS
LINKS