Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Hadley Xadhiga Mukhtaar Rooboow iyo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Ka Hadley Xadhiga Mukhtaar Rooboow iyo Mooshinka Madaxweyne Farmaajo
December 15, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay hotelka uu ka deggan yahay magaalada Muqdisho ayaa ka hadllay  xadhigga Mukhtaar Rooboow iyo mooshinka madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Mursal ayaa ka tacsiyeeyay geerida ka dhalatay rabashadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Baydhabo isaga oo ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaalada Baydbabo in ay is dajiyaan dib-na loo soo celiyo xasiloonidii iyo kala danbeyntii deegaannada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in dastuurku uu qabo in muwaadin  kasta xaq u leeyahay in uu wax dooran karo, lana dooran karo, muwaadinka  Mukhtaar Roobow-na uu buuxiyey shuruudaha looga baahan yahay  murashaxnimadiisa sida ay cadeeyeen guddiga oo guddoonsiiyey shahaado cadeyneysa inuu u tartami karo doorashada Koonfur Galbeed, isla dastuurka waxaa uu sheegay in aan qof la xidhi karin xadhig aan sharciga waafaqsanayn, awoodda dowladana aan marna loo isticmaali karin meel ka dhac dhan ka ah karaamada iyo Xuquuqda Aadanaha, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti uu dhasho qabashadii Mukhtaar Roobow, oo sida uu sheegay loo soo xidhay si baal-marsan sharciga, maadaama aan amar maxkamadeed lagu soo qaban.

”Dowladda waa in ay degdeg xoryadiisa ugu soo celisaa Mukhtaar Rooboow loona ogolaadaa in uu ka qeybgalo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed” ayuu yidhi guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mursal oo dhinaca kale ku baaqay in dib loo dhigo doorashada ilaa laga helayo jawi xasiloon oo lagu qaban karo doorasho.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya in ay sharciga u hoggaansanto,waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xildhibaannada Golaha Shacabka loo diiday  xoriyadooda iyo in ay u soo gudbaan sida uu hadalka u dhigay hoygga uu ka degan yahay magaalada.

”Waa wax laga xumaado in xildhibaannada laga hor istaago in ay u soo gudbaan hoyga aan degannahay, sababta aan markii horeba uga soo guuray xarunta madaxtooyada waxey aheyd in xildhibaannada loo diiday in ay ii soo gudbaan,  xildhibaannadu waa ay ka madax-bannaan yihiin golaha fulinta ayuu yidhi” guddoomiye Mursal.

Mar uu soo hadal qaaday arinta mooshinka ayuu sheegay in xildhibaannada Baarlamaanku xaq u leeyihiinin ay soo gudbiyaan mooshin, isaga oo sheegay in 92 xildhibaan u soo gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya lana waafajin doono dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inuu dib ugu laaban doono  xarunta Villa Hargeysa oo ku taal xeyndaabka Madaxtooyada, oo ah ah  xarunta Guddoonka Baarlamaanka, halkaasna ay ku shaqeyn doonaan.

Ugu danbeyntii guddoomiyaha ayaa ku baaqay:

1.In shacabka reer Koonfur Galbeed ay is dejiyaan, nabadda adkeeyaan, sharcigana dhowraan.

2.In Guddiga Doorashada Koonfur Galbeed ay dib u dhigaan doorashada Madaxweynaha inta laga helayo jawi xasiloon oo ku haboon qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.

3.In ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka shaqeeyo dejinta iyo qancinta shacabka iyo dib u soo celinta kala danbeyntii.

4.In odayaasha dhaqanka ay muujiyaan kaalinta dhaqan ee ay ku leeyihiin nabbada iyo wadajirka guud ahaan ummada Soomaaliya gaar ahaana Shacabka Koonfur Galbeed.

5.In musharaxa xidhan xorayadiisa dib loogu soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan loona ogolaado in uu degaankiisii ugu laabto si nabad ah.

COMMENTS
LINKS