Golaha Guurtidu Shaqadii Fulinta Iyo Tii Garsoorkaba Miyuu Isku Darsaday !!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtidu Shaqadii Fulinta Iyo Tii Garsoorkaba Miyuu Isku Darsaday !!!
December 23, 2018 - Written by Editor:

Buuga Guri Barwaaqo Ee Sooyaal Sharciyadee Loo Adeegsaday Ama Lagu Gubayaa? !!!

Aan ka afeefto buuga waxa ku qoran in aanan difaacayn hadii uu khalad yahay inkasta oo aanan aragba , akhriskiisana haba sheegin ee waxa aan ka hadlayaa yaa sharci u haysta in uu buuga ka gubo hadii uu noqdo mid mutaystaba gubista?

Laakiin waxa aan doonayaa in la ii macneeyo awooda golaha guurtida ee garqaadida iyo amarada fulinta ah ee ay soo saareen ma sharci baa? !

Gartay oo waan fahansanahay in ay waxii dhaqanka iyo diinta ku saabsan xeerarka dalka ka eegaan , oo ay halkaa ka soo galayo waxa buuga ku qornaa in ay ahaayeen arimo dhaqan iyo suugaan, hase ahaatee buugu ma xeer baa oo dal baa lagu dhaqayey miyaanu aheyn qoraal qof qorey oo amba aad akhrisan karto ama aad iska dayn karto.

Waxa buuga ku qoran qoraaga buug kasta waxna waad ku raaci kartaa waxna waad ku diidi kartaa, ujeedada aan u socdaa waxa ay tahay hadii buuga qadaf ku qoran yahay oo la iska qiro saw wax sumcada iyo sharafta Guribarwaaqo uun dileysa maaha ma cid kale ayey waxyeelaysa ama cidbaa kaga daba dhaqmaysa qoraalkiisa?

Wali miyeynu aragnay iyada oo buug la isku haysto aan aheyn buugii Ahmed cawaale ee barigii buuqa dhaliyey , buugaasi oo reero badan ka saarayey isaaqa oo uu wakhtigaa dawladu joojisay in uu soo baxo ama la daabaco kaasi , guurtidu kamay hadal .

Marka aynu dal jira nahay oo shuruuc iyo qawanaanin leh yaa shaqadan leh?

Ma tahay in maxkamad laga soo dacweeyo qoraaga oo isaguna looyaro qabsado doodiisa uu ku akhristo ?

Somaliland hay’adaheega dawliga iyo waaxyaha qaranka ee kala wada madaxa banaan mid waliba waxbay awood u leedahay ama shaqo ahaan u astaysan oo loogu soo hagaagaa , ee miyey isku qasantay mise guurtidaa saxsan.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS