|
|||||
WAJAALE NEWS
Faysal Cali Waraabe oo Cambaareeyay Xadhigga Mukhtaar Roobow, Eedo Culusna U Jeediyay Farmaajo
December 15, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Guddoomiya haxisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa,idku qabtay magaalada Hargeysa ayaa cambaareeyay xadhiga Sheekh Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah murashaxiintii u tartamaysa Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Isagoona arintaasi ku tilmaamay mid laga xumaado. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhaqmayo nidaam digteetarnimo,Waxaana uu tilmaamay in dadka Soomaaliyeed aanay marnaba yeeli doonin in Ciidamo shisheeye la keeno dalkaasi Soomaaliya. Sidoo kale mar uu ka hadlayay mooshinka Madaxweye Farmaajo ayuu sheegay in uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ku bogaadinayo mowqifka uu ka qaatay mooshiinka ay Xildhibaanada Baarlamaankaasi ay ka keeneen. Dhinaca kale Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in uu soo dhawaynayaan kulan ay habeen danbe u balansan yihiin Asxaabta mucaaridka iyo Madaxweyne Muuse Biixi. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Wafti Culus, ka kala Socda 7 Dal O... Halkan ka Daawo: Ha’yada Wadaniga ah ee pest Kill oo Fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa ayaa Maanta... DAAWO;-Xisbiyada Mucaaridka Iyo Badi Siyaasiyiinta Somaliland Oo Booqday Badka Buurta Kala Jeexan Oo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|