Faah-faahin: Qaraxyo Sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah-faahin: Qaraxyo Sababay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac oo Ka Dhacay Muqdisho
December 22, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya laba qarax oo maanta barqadii ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo adeegsaday laba gaadhi oo waxyaabaha qarxa laga buuxiyay.

Ku dhawaad 15 ruux ayaa ku dhintay qaraxyada maanta, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan, iyadoo dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaadhay ay ahaayeen rayid ku sugnaa goobaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Dadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday inay ku dhinteen qaraxyada ayaa waxaa kamid ah Wariye Cawil Daahir Salaad, Darawal gaadhiga u waday iyo shaqaale ka tirsan TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho.

Dadka waxyeelada ay kasoo gaadhay weerarkii maanta waxaa kamid ah Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Tuulax oo ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxii Labaad.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dhaawac uu soo gaadhay xildhibaan Warsame Joodax oo qaar kamid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qaraxa ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo ka dagay gaadhiga labaad ee qarxay gacanta lagu dhigay, waxaana mid kamid ah uu watay foomiyaha ciidamadu ay ka wada hadlaan.

Sidoo kale waxaa jira dad badan oo rayid ah oo ay waxyeello ka soo gaadhay qaraxyada maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

COMMENTS
LINKS