Dowladda Soomaaliya oo Mukhtaar Rooboow Ka Madnuucday Inuu Ka Qayb Galo Tartanka Kursiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya oo Mukhtaar Rooboow Ka Madnuucday Inuu Ka Qayb Galo Tartanka Kursiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed
December 17, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (WJN)- Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday go’aan kooda ku saabsan in af hayeenkii hore ee ururka Al Shabaab uu u qalmo inuu u tartamo doorashada wiigan ka dhaceysa maamulka Koonfur Galbeed iyo in kale.

Go’aankan ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in Roobow oo ka mid ahaa musharaxiinta ugu cad cad ee doorashadaas aanu ka qeyb gali doonin tartanka kursiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ee dhacaya 19-ka bishan, oo ku beegan maalinta Arbacada ah.

Mukhtaar oo inta aanu siyaasadda u xuub siibanin mar ka mid ahaan jiray ururka Jihaad doonka ah ee Al Shabaab ayaa maalintii Khamiista ahayd lagu xidhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo na markii dambe loo sii qaaday Muqdisho.

.

Dowladda Feederaalka ayaa ku eedeysay inuu si sharci darro ah magaaladaas u geeyay hub iyo maleyshiyaad isaga daacad u ah.

Guddiga doorashada ee ku howlan qeybihii ugu dambeeyay ee qabanqaabada ayaa sheegay in aysan heysan waddo kale oo u furan, balse ay ku khasbanyihiin iney magaca Mukhtaar Roobow ka saaraan warqadaha doorashada.

Roobow ayaa hore u buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa Musharaxiinta, marka laga reebo qodobkii ugu dambeeyay ee ahaa in khubdadiisa ku saabsan wax qabadkiisa ka hor jeediyo baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

COMMENTS
LINKS