Diyaarad Ku Burburtay Suudaan oo Ay Saraakiil Sar Sare Ku Dhinteen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Diyaarad Ku Burburtay Suudaan oo Ay Saraakiil Sar Sare Ku Dhinteen
December 9, 2018 - Written by Reporter:

Khartum (WJN)- Diyaarad nooca qumaatiga u kaca, ee loo yaqaanno helikobtarka ah ayaa ku burburtay bariga dalka Suudaan, iyadoo halkaas ay ku dhinteen badhasaab gobol iyo ugu yaraan afar sarkaal oo kale.

Helikobtarta ayaa qaraxday ka dib markii ay ku dhacday mid ka mid ah biraha dhaadheer ee isgaadhsiinta, xilli ay isku dayeysay iney ku dagto gobolka Al-Qadarif, sida ay dad goob joogeyaal ah ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ilaa iyo hadda ma jirto sabab rasmi ah oo lagu sheegay iney burburka diyaaraddaas keentay.

Dhowr qof ayaa loo qaaday Cusbitaallada, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda oo aan faahfaahin dheeraad ahna bixinin.

Wararka ayaa intaas ku daray in dadka dhintay ay ka mid yihiin badhasaabkii gobolka Al-Qadarif oo lagu magacaabi jiray Mirghani Saleh, madixiisii golaha wasiirrada, taliyaha booliska gobolka iyo wasiirkii beeraha ee maamul goboleedkaasi.

Qalabka ciidamada milatariga ee dalka Suudaan ayaa waxaa ka mid ah diyaarado qumaati u kaca oo ay hore uga soo iibsadeen maamulkii hore ee midowgii soofiyeed.

Siddeed ruux ayaa ku dhaawacantay labo diyaaradood oo isku dhacday bishii Oktoobar, xilli ay ku cararayeen garoonka diyaaradaha ee magaalo madaxda Khartuum.

Bishii Siteembarna, labo duuliye ayaa geeriyootay markii ay diyaarad milatari ku bur burtay meel u dhow magaalada Omdurman ee mataanaha la ah Khartuum.

 

COMMENTS
LINKS