Dibadbaxyada Faransiiska oo Faraha Ka Sii Baxaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyada Faransiiska oo Faraha Ka Sii Baxaya
December 9, 2018 - Written by Reporter:

Paris (WJN)- Raii’sal wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa wacad ku maray in dib boodhka looga jafayo sidii loo midayn lahaa qaranka.

Hadalka raii’sal wasaaraha ayaa ka dambeeyay ka dib dibadbaxyo ballaadhan oo dalka Faransiiska ka dhacay.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in booliis badan oo loo daadgureeyay wadooyiinka ay gacan ka gaysteen xakamaynta rabshadihii Sabtidii ka dhacay Paris iyo magaalooyiin kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Christophe Castaner ayaa ammaanay booliiska oo uu sheegay in ay xakameeyeen rabshadaha.

Ku dhawaad kun mudaharaadayaal ah ayaa la sheegay in lagu xidhay dalka Faransiiska halkaasi oo ay ka dhigayeen dibadbaxyo dowladda looga soo horjeedo.

Booliiska ayaa xabsiga u taxaabay dad badan

Dad lagu qiyaasay 125,000 oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyiinka guud ahaan dalka Faransiiska.

Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya qiimaha maciishadda oo ay sheegeen in ay sareeyso.

Meelaha qaar waxaa isku dhacay booliiska iyo dibadbaxayaasha.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay wadaxaajood ay la gasho dibadbaxayaasha si nabadda ah howshooda u wata.

Madaxwayne Macron ayaa lagu wadaa in uu khudbad u jeediyo shacabka Faransiiska maalmaha soo socda.

 

COMMENTS
LINKS