Dhinacyada Ku Dagaalamaya Yamen oo Gaadhay Heshiis Xabad Joojin Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhinacyada Ku Dagaalamaya Yamen oo Gaadhay Heshiis Xabad Joojin Ah
December 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Dhinacyada ku dagaalamaya dalka yemen ayaa ku heshiiyay in xabad joojin laga sameeyo magaalada dekedda ee Xudayda.

Heshiiskan oo ay Qaramada Midoobay dhex-dhexaadinaysay ayaa waxa uu ka dhacay dalka Sweden.

Xogahaya guud ee Qarama midoobay Antonio Guterres ayaa sheegay in uu rajaynayo in heshiiskan uu soo afjaro dagaalka dalka Yemen ka socda kudhawaadd afar sano.

Dagaalka yemen waxaa lagu dilay kumanaan qof, iyadoo uu dalku noqday kan ugu daran dunida ee ay ka jirto xaalad bini’aadanimo.

Hogaamiyeyaasha wefdiyada ka socda dawladda Yemen iyo mucaaradka Xutiyiinta, kuwaas oo maamula inta badan dalka, ayaa gacmaha isqabsaday kadib uu dhacay heshiiska xabad joojinta.

Side ayay u shaqeeynaysaa xabadjoojinta?

.

Dhamaan xoogagga Xutiyiinta iyo isbahaysiga taageera dawladda Yemen ayaa laga saari doonaa magaalada Xudaydah maalmaha socda, kadibna waxaa lagu bedeli doonaa ciidamo ka socda Qaramada Midoobay.

Ciidamada Xutiyiinta ayaa waxaa sidoo kale laga saari doonaa dekedaha Saleef iyo Ras Isa.

Markaa ka dib Qaramada Midoobay ayaa la wareegi doonta maamulka dekedaha taas oo gacan ka gaysan doonto sidii shacabka tabaaleeysan loo gaadhsiin lahaa gargaar bini’aadanimo. Ayuu Mr Guterres yidhi.

Maxaa kaloo lagu heshiiyay?

Waxaa kaloo heshiis wada jir ah laga gaadhay caasimadda Saddexaad ee Ticis, halkaas oo uu ka dhacayay dagaal cuslus, inkastoo faaf-faahin dheerad aan laga bixin.

Weli wax heshiis ah lagama gaadhin xabad joojin ka hirgasha dhamaan qeeybaha waddanka, oo ay ka mid tahay magaalo madaxda dalka ee Sanca,oo ay maamulaan Xutiyiinta.

Mr Guterres ayaa sheegay in uu rajaynayo in toddobaad guduhiis heshiis laga gaadho sidii dib loogu furi lahaa gegida diyaaradaha ee magaalada Sanca.

Waxa uu yidhi wada hadal kale oo diiradda lagu saari doono qodobo kale ayaa waxaa uu dhici doonaa dhamaadka bisha January ee foodda inagu soo haysa.

COMMENTS
LINKS