Dawlada Itoobiya Oo Qunsul Cusub Oo Miisaan Leh U Soo Magacawday Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Itoobiya Oo Qunsul Cusub Oo Miisaan Leh U Soo Magacawday Somaliland.
December 15, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay danjire cusub u soo magacawday xafiiska ay ku leedahay caasimadda Somaliland Ee Hargeysa.

Danjirahan oo aan weli si rasmi ah loo shaacin, ayay warar soo baxayaa sheegeen inuu yahay danjire Shamsudiin Axmed Rooble.

Danjire Shamsudiin, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta ruug-cadaaga ah ee Itoobiya,waxaanu soo noqday safiirka Itoobiya ee dalalka Djibouti iyo Kenya.

Danjirahan ayaa wuxuu bedelayaa danjirihii hore ee Itoobiya muddo ku dhow tobankasannadood u fadhiyay caasimadda Hargeysa danjire Berehe Tesfaye. Diblomaasigan hore ayaa wuxuu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, waxaanu ka mid yahay diblomaasiyiin badan oo ay Itoobiya ka soo bedeshay safaaradaha ay dunida ku leedahay.

XIGASHO; WARGAYSKA GEESKA

COMMENTS
LINKS