Dad Ku Eedaysan In Ay Ku Gafeen Madaxweyne Muuse Biixi Oo Siyaalo Kala Duwan Loo Ganaaxay Iyo Qof Ajaanib Ah Oo Markii Ugu Horraysay Loo Xidhay Kiiskan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Ku Eedaysan In Ay Ku Gafeen Madaxweyne Muuse Biixi Oo Siyaalo Kala Duwan Loo Ganaaxay Iyo Qof Ajaanib Ah Oo Markii Ugu Horraysay Loo Xidhay Kiiskan.
December 31, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa, (W,N)- Ciidamada Ammaanka Somaliland ayaa waxa ay shalay galinkii hore suuqa Hargeysa ka soo qabteen, xabsigana u direen nin Oromo ah oo ku eedaysan in uu aflagaado u gaystay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland, kadib markii ay ninkaasi ka soo qabteen goob uu ka shaqaynayay oo ku taalla suuqa Hargeysa.

Sida ay dad goob-joog ahi u sheegeen Wargeyska FOORE Askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliland oo ah askari dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdiqani Xasan Faarax ayaa waxa uu nin da’ dhexaad ah oo ka soo jeeda Qawmiyadda Oromada dalkaasi Itoobiya gacanta ku dhigay kadibna u gudbiyey xabsiga kaasi oo uu ku eedeeyey in uu u gafay ama aflagaado gaadhsiiyey Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Sida xogahani nagu soo gaadheen Ninkan Oromada ah ayaa la sheegay in uu ka shaqeeyo Xamaam ku yaalla Suuqa Hargeysa kaasi oo ahaa goobta laga soo qabtay ninkan ka hor intii aan xabsiga loo gudbin.

“Ninkan oo lagu magacaabo Aadan Ismaaciil oo Oromo ah ayaa saaka (Shalay Gelinkii Hore) lagu qabtay Suuqa Hargeysa. Ninkani waxa uu ka shaqaynayay Xamaam. Waxa qabtay nin askari ah oo dhallinyaro ah. Ninkaasi waxa qabashadiisa ka caawiyey nin kale oo xamaamka ka shaqaynayay. Kadib markii la qabtay waxa uu askarigii u gudbiyey dhinaca sal-dhigga dhexe ee Hargeysa. Sawirka baraha bulshada ka muuqday ee muujinaya askariga oo nin gacanta hayaa, ma aha ninka rasmi ahaan u caayay Madaxweynaha ee la xidhay balse waa askariga oo inankaasi gacanta haya uun. Waxa igu maqaalo ah in ninkaasi wali xidhan yahay balse ma xaqiijin karo wixii faahfaahin ah ee intaasi dheer” sidaa waxa wargeyska Foore u sheegay wariye arrinkan xog-ogaal u ahaa oo aannu wax ka waydiinay.

Noomay suurto galin in aannu faahfaahin dheeraad ah ka helno sababta ninkani u caayay Madaxweynaha iyo waxa ku kallifay toona.

Muddooyinkii dambe waxa soo badanaya xadhiga ama ganaaxyo lagu sameeyey dad siyaalo kala duwan loogu eedeeyey in ay ku gafeen Madaxweynaha waxaana ka mid ahaa wariye la sheegay in Mushaharkii looga jaray markii uu canjilay oo baraha bulshada ku faafiyey muuqaal uu isu ekaysiinayo socodka Madaxweynaha, waase markii ugu horraysay ee lagu soo eedeeyo qof ajaanib ah oo af-lagaaddo u gaystay Madaxweynaha qaranka.

Lama oga sababta ninkan Oromada ah ku kalliftay in uu Madaxweynaha Af-lagaadeeyo sidoo kale waxaan la ogayn tallaabada xigta ee ay ciidamada ammaanku ka qaadi doonaan iyo in ay maxkamadda u gudbin doonaan.

 

COMMENTS
LINKS