|
|||||
WAJAALE NEWS
Daawo: Prof, Cabdi Cali oo Si Adag Uga Hadlay Xilka Qaadistii Xisbiga Kulmiye Ku Sameeyay, iyo Talaabada Uu Qaadi Doono!
December 24, 2018 - Written by Reporter:“Cid Xisbiga Ka Socota Oo Ii Timaday Ama Wax Iwaydiisay Maan Arag, Markaa Arintani Waxay Lamid Tahay Uun Tii Madaxwaynuhu Igula Soo Hadlay Ee Uu IXukumay Isagoon Wax I waydiin Oo Kale”Prof Cabdi Cali, Hargeysa (WJN)- Prof Cabdi Cali Jaamac oo ka mid ahaa saddex masuul oo maanta xisbiga Kulmiye laga saarey ayaa ka hadley sida uu u arko in xisbiga laga saaro. Prof Cabdi Cali ayaa kashifay in la wado qorshe gudoomiyaha ku meel gaadh-ka ah ee xisbiga Kulmiye loogu magacaabaayo Md Axmed Cabdi Dheere oo iminka ah gudoomiye ku xigeenka Labaad, waxaana uu sheegay in la rabo in la dhaho saddexda xisbi ba Garxajis ayaa gudoomiyeyaal ka ah. Sidoo kale Prof-ka ayaa sheegay in aanu sidaas kaga hadhin doonin in xibsiga Kulmiye laga saaro oo uu Maxkamad la gali doono, Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere-na waxaa uu ku eedeyey in isagu u baahan yahay in la anshax mariyo mar hadii uu Mobile-ku dhuftey gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:“Muuse Biixi Wuxu Faratoon Uwataa In Uu Wuxuu Doonayo Ka Dhamaysto, Oo Dalka Ku Boobo,Xasan Gaafadhi... Hogaanka Xisbiga Kulmiye Iyo Guddida Qaban Qaabada Shirweynaha Xisbigaas Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay... Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanay Dalka Ka Hawl-geli Karin Warbaahin Aan R... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|