DAAWO; Wakiilka Ururka Dawladda Hoose Ee Dalka Holland Oo Ka Qaybgalay Shirka Dawladaha Hoose Ee Somaliland Iyo Nuxurka Khudbad Uu ka Jeediyay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Wakiilka Ururka Dawladda Hoose Ee Dalka Holland Oo Ka Qaybgalay Shirka Dawladaha Hoose Ee Somaliland Iyo Nuxurka Khudbad Uu ka Jeediyay.
December 16, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N):-Aqoonyahan CABDIRAXMAN XAAMUD ALEEL oo ah aqoon yahan reer Somaliland ah, oo Aqooniyo Khibrad durugsan u leh  Arrimaha Iskaashiga Caalamiga gaar ahaan Europe, U.K iyo Wadamada Carabta. Sidoo kale khibrad weyn u leh Arrimaha Maamul Daadejinta Dawladaha hoose iyo Dawladda Dhexe. Mudane ALEEL isaga oo ka wakiila ururka Dawladda Hoose ee Dalka Holland (VNG) wuxuu Maanta 16.12.2018 ka qayb galay Shir ay si wada jir ah u soo agaasimeen Ururka Dawladda Hoose ee Somaliland (ALGASL) iyo ururka Dawladda Hoose ee Dalka Holland (VNG).

Ujeedada  ugu muhiimsan ee Shirkan laga lahaa Ayaa Ahayd w

1. U kuur-gelida qaabka ugu haboon ee loo hirgelin karo Siyaasadda Maamul daadejinta Dawladaha hoose;

2. Qeexidda xilalka iyo masuuliyadaha saaran Xildhibaanada la doortay ee Dawladaha hoose iyo gudashada Waajibaadkooda;

3. Awoodaynta hayadaha ku hawlan maamul daadejinta heer degmo iyo heer gobol;

4. Fududaynta xagga aqoon iswaydaarsiga iyo in la wadaago wixii waayo aragnimo ah iyo qaabka looga baxayo caqabadaha jira;

5. La xisaabtanka iyo hufnaanta xidhiidhka wada shaqayneed ee u dhexeeya hay’adaha ay maamul daadejintu si wadajir ah u khusayso.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADAWAKIILKA DALKA HOLLAND;

https://youtu.be/Peb7RuUY7l8
COMMENTS
LINKS