|
|||||
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Daawo:-Maanta Waxaa Somaliland Laga Xusay Maalinta Cudurka Aids-Ka Oo Sannad Walba La Xuso 1-Da Bisha December
December 1, 2018 - Written by Editor:Hargeisa(W.N):-Waxaa Maanta Munaasibada Si Balaadhan Loo Soo Agaasimey Lagu Qabtey Hotel Mansoor Ee Magalaada Hargeysa Munaasabadan Dad Badani Ka Soo Qayb Galeen Oo Lagu Xusayay Maalinta Caalamiga Ah Ee 1-Da Disembar Ee La Dagaallanka Cudurka HIV AIDS. Kooxo Isugu Jira Dhallinyaro, Arday, Iyo Ururrada Samofalka Ee Ku Hawlan La Dagaallanka Cudurka Dilaaga Ah Ee AIDS-Ka Ayaa Soo Camirey Hoolka Lagu Qabaneyey Munaasibadan Waxay Qaarkood Dadkaasi Ku Lebbisnaayeen Funaanado (Garammo) Iyo Koofiyado Ay Ku Qornaayeen Halku-Dhegyo Ka Digaya Khatarta Cudurka Aids-Ka. Hadallo Wacyigelin Ah Uga Jeediyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Dawladda, Hay’adaha Samofalka, Iyo Fanaaniin Ku Cabbirayay Dareenkooda Halista Cudurka Aidska Heeso Iyo Sugaan Kale. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr Xasan Ismamil Yuusuf , Ayaa Isagu Daboolka Ka Qaaday Markii Ugu Horreysay Tira Koob Cusub Oo Ay Wasaaradiisu Laqaban Doonto Komishanka Solnac Waxaa Iyaganu Halkaasi Ha Hadley Xubno Ka Mid Ah Koomishanka La Dagaalkan HIV AIDS,Dhakhatiir,Iyo Xubno Ka Socdey Ururada Ayey Wadda Shaqeynta Wadda Leeyihiin Komishanka Solnac Halkan Ka Daawo Muuqaalka Warkan:-
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|