DAAWO;-Agaasimaha Barmaamijka Shaqada Qaranka Oo Shaaciyey Wakhtiga La Geli Doono Imtixaanka Iyo Goobaha Loo Cayimay Gobolada Dalka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Agaasimaha Barmaamijka Shaqada Qaranka Oo Shaaciyey Wakhtiga La Geli Doono Imtixaanka Iyo Goobaha Loo Cayimay Gobolada Dalka.
December 17, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa,(W,N)  Agaasimaha Barnaamijka Shaqada Qaranka Md.Maxamed Xuseen Cismaan(Mu,adinka)  oo uu Wehelinayey Gudoomiye kuxigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Xasan Muxumed Qalinle ayaa si rasmi ah u shaaciyey maalinta ay qaadi doonaan imtixaanka lagu kala saarayo ardaydii soo xeraysatay barnaamijka shaqo qaran,kaasi oo sida uu sheegay ay soo codsadeen tiro dhan 3146 arday dalka oo dhan.

Agaasimaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa sheegay in imtixaanku bilaabmi doono22-12-2018-ka. Taariikhdaas oo ku beegan maalinta sabtida dodobaadka innagu soo aadan.

Dhanka kale Gudoomiye Maxamed Xuseen Waxa uu sheegay in Tiradaa codsadayaasha ah ay kaqaadan doonaan 500 boqol ee ugu saraysa tirada gabdhaha soo codsaday barnaamijka iyo dhanka inamada oo noqonaysa 1000 ugu sareeya soo Codsadayaasha. Isku geyntalabadaa tiro ayaa noqonaysa 1500.

Sidoo kale waxa Isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Xasan Muxumed Qalinle, waxaanu sheegay in imtixaankaasi ka kooban yahay maadooyinka kala ah ah seddexda Saynis ( Biology,Physics & Chemistry), Xisaab, Juquraafi, taariikh iyo Luuqada Ingiriisiga.

Waxa kale oo Gudoomiye Xasan sheegay in imtixaankaasi ku qabsoomi doono magaalo madaxyada lixda gobol ee kala ah; Hargaysa, Boorame, Berbera, Burco,Laascaanood iyo Ceerigaabo.

Goobaha lagu geli doono imtixaankaas Ayaa kala Ah;

1.Hargaysa:- Dugsiga H/DH ee Sheekh Maddar (Hargaysa), Dugsiga Sare ee Gacan-libaax (Hargaysa), Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo, Dugsiga Sare ee 26 Juune (Hargaysa)

2.Boorame: Dugsiga Sare Sheekh Cali Jawhar

3.Berbera; Dugsiga sare ee Bursade

4. Burco: Dugsiga Sare Sheekh Ibraahim

5.Laascaanood: Dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf

6.Ceerigaabo:- Dugsiga Sare Ee Xaaji Aadan

Ardaydii Gabiley ku xeraysay waxa iyuga imtixaanka lagaga Qaadi doonaa Goobaha Magaalada hargaysa.

FiiroGaar ah!Ka qaybgalayaasha tartanka imtixaankan waxa lagu adkaynayaa in ay Wakhtiga ilaaliyaan, imtixaankuna waxa uu 22-12-2018-ka, 7:30 subaxnimo ka bilaabmi doonaa Goobahaas aynu kor ku xusnay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN OO FAAHFAAHSAN;

COMMENTS
LINKS