|
|||||
WAJAALE NEWS
Casharada Laga Baran Karo Heshiisyadii Laga Gaadhay Khilaafyadii Cakirnaa Ee U Dhaxeeyay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadii Madaxwayne Rayaale Ee Suurto Galiyay Qabsoomida Doorashooyinka!!
December 3, 2018 - Written by Editor:Casharada Laga Baran Karo Heshiisyadii Laga Gaadhay Khilaafyadii Cakirnaa Ee U Dhaxeeyay Xisbiga Kulmiye Iyo Xukuumadii Madaxwayne Rayaale Ee Suurto Galiyay Qabsoomida Doorashooyinka!! Dib u curashadeenii Xeerkiyo dastuurkii Dimuquraadi lagu qoray Foodka loo dareeree Doorashooyin lagu galay Rag dabraayabaa jira Xisbiyada docdoodii Rag duleeyaybaa jira Bahal daba qaloociyo Dulin lagu abuuroo Dil-dilaacshabaa jira Maanso Daalacan :- Erayadii iyo Qalinkii Abwaan Sacad Gadhle. Khilaafkii Ka Dhashay Ansixinta Komishankii Labaad ee Doorashooyinka S/land Iyo Sidii Lagu Xaliyay Maalin ku beegan 2/6/2007 waxuu Madaxwayne Rayaale u soo gudbiyay Golaha wakiilada Xubnihii labaad ee Komishanka Doorashooyinka S/land yeelato,iyadoo taariikhdu ka marag kacaysa in fadhigii Golaha wakiilada S/land lagu Ansixiyey 5 xubnood oo ka mid ah Todobada Xubnood ee Komiishanka Doorashooyinka,halka Golaha Wakiiladu ay cod diidmo ah ku hor-joogsadeen 2 xubnood Golaha Guurtidu soo xuleen . Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Waxay Ansixiyeen Shann Xubnood Oo Kala Ahaa :-
Halka Labada Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Ee Waayay Kalsoonida Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Ay Kala Ahaayeen :- 1.Muuse Axmed Cumar [Muuse Madoobe] oo ay ogolaadeen 35 Mudane, waxa diiday 11 mudane, waxa ka aamusay 18 Mudane
Ka dib,markii labadii xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee ay soo xuleen Golaha Guurtidu ay waayeen kalsoonida Xildhibaanada Golaha Wakiilada,waxaa ka dhashay khilaaf Cakiran oo u dhexeeyay Golayaasha Qaranka sida Golaha Guurtida iyo Xukuumada Madaxwayne Rayaale ee Xisbiga Udub ee talada haysay oo dhinac iyo Golaha Wakiilada + Xisbiyada Mucaaradka oo dhinac ah, balse khilaafkaa cakiran waxaa dhex-dhexaadin ka galay gudi isxil-qaamay oo Hal-doorka Bulshada S/land ka mida,waxaanu xalkii noqday in mar labaad la hor keeno Golaha Wakiilada labada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka,balse waxay mar labaad waayeen kalsoonidii Xildhibaanada Golaha Wakiilada . Mar kale,Xisbiga Kulmiye Waxuu Soo Jeediyay In dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanada oo laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada maalin ku beegan 9/6/2008 oo Madaxwayne Rayaale Aqbalay . Halkan ka Akhri :-Heshiishka Sideeda Qodob ka koobnaa ee Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka kala Sexeexdeen ayaa u dhignaa sidan:- 1: In dib loo dhigo Doorashada Golaha Deegaanada oo laga soo hormariyo Doorashada Madaxtooyada. 2: In Diiwaan gelinta la siiyo wakhti ku filan oo ah sababta dib loogu dhigay Doorashada Golaha Deegaanka. 3: In Komiishanka Qaranku soo diyaariyo wakhtiga Doorashada Madaxtooyada, Diiwaan gelinta kadib. 4:In Doorashada Madaxtooyadu ay ka soo hormarto 06/04/2009. 5: In Qodobada Xeerka Diiwaangelinta ee aan la jaanqaadi Karin Doorashada Madaxtooyada la laalo. 6: Haddii ay yimaadaan Duruufo lama filaan ah oo dib u dhigi kara qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada,waxa xaaladdaas wadajir uga go”aan qaadanaya Komishanka Doorashooyinka iyo Saddexda Xisbi Qaran,iyadoo Golaha Guurtidu ku Ansixin doono wakhtiga ay isla gartaan oo aan waxba lagu darin. 7:In Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka ahi ay yeeshaan,isku xidhnaan iyo wada tashi joogto ah. 8: In Guddi Farsamo oo Saddexda Xisbi Qaran ka noqoto guddi Joogto ah,una xilsaaran kalsooni dhiska Xukuumadda Madaxwayne Rayaale iyo Xisbiyada wada shaqeyntood. Wakiilada Sadexda Xisbi Qaran iyo Komishanka Doorashooyinka waxaa u kala saxeexay Heshiiskii Sideeda Qodob:- 1:Xisbigii taladda hayey ee Udub waxaa u Sexeexay,Madaxwayne ku Xigeenkii hore ee S/land Md Axmed Yuusuf Yaasiin. 2:Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Eng Faysal Cali Waraabe. 3:Xisbiga Kulmiye waxaa u sexeexay Gudoomiye ku xigeedka kowaad Muuse Biixi Cabdi. 4:Gudida Doorashooyinka,waxaa u sexeexay Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka, Md Maxamed Isamaaciil Kaba-Wayne. Waxaa xusid mudan in Madaxwayne Rayaale uu ka Aqbalay soo Jeedinta xisbiga Mucaaradka ahaa Ee Kulmiye. Mar Kale,Waxuu Xisbiga Kulmiye Kalsoonida Kala Noqday Komishanka Doorashooyinka Sagaal Sanno Ka Hor Maalin Ku Beegan 02/08/2009 . Halkan Ka Akhri:- Go”aanka XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND (KULMIYE) REF: XK/Gx1aad/0151/ 09 DATE: 02/08/2009 KU: GUDDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA =HARGEYSA= OG:SHIR-GUDDOONKA GOLAHA GUURTIDA =HARGEYSA= OG:SHIR_GUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA =HARGEYSA= OG:XAFIISKA DEEQ-BIXIYEYAASHA =HARGEYSA= UJEEDDO: GO’AAN XISBI . Shir uu maanta yeeshay Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aan ku gaadhay go’aamada hoos ku qoran:
3.Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in Komishinku uu ka baxay dhex-dhexaadnimadii, oo uu la saftay Xisbiga talada haya ee UDUB. Xisbiga Kulmiye, wuxuu go’aamiyey inuu hakiyo wada shaqeyntii uu la lahaa Komishinka Doorashooyinka Qaranka, ilaa inta uu Komishinka Qaranku noqonayo mid dhexdhexaad ah oo soo celin kara kalsoonidii Xisbi. WA BILAAHI TAWFIIQ MD: MUUSE BIIXI CABDI K/S.. GUDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE AHNA GUD.KU-XIGEENKA 1aad. Waxaase xusid mudan in kalsooni kala Noqoshadii komishanka Doorashooyinka ee Xisbiga Kulmiye ay ka dhalatay Heshiiskii Lixda Qodob ee beesha Caalamku keentay oo u dhignaa sidan maalin ku beegan 28/9/2009:-
Halkan Ka Akhri Halka Uu Ka Taagnaa Madaxwayne Muuse Biixi Muddo kordhintii koowaad ee Golaha Wakiilada u sameeyo Madaxwayne Siiraanyo. 08/09/2010 Shir lagu qabtay xarunta komishanka doorashooyinka qaranka oo lagu lafoguray qodobo dhowr ah, taas oo qodob qodob looga dooday, iyadoo la tirgelinayo duruufaha ku gadaaman xag kasta oo ah talo-bixin. In saddexda xisbi qaran isku waafaqsan yihiin talo-bixintii komishanka doorashooyinka Qaranka u soo jeediyeen Madaxweynaha ee qoraalkii tixraaciisu ahaa . KDQ/XK/150/2010.
KULMIYE: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
UDUB: Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin. UCID: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe. Komishanka Doorashooyinka Qaranka Eng: Ciise yuusuf X. Maxamed. Ugu dambayn, 16/1/2017 Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi oo waqtigaas ahaa Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye mar uu ka hadlayay iswaafajinta Abaaro baahsan oo gobolada Bariga S/land ku habsaday iyo qabsoomida doorashada Madaxwaynaha waxuu sheegay in Madaxwayne Siilaanyo la soo taagi doono Maxkamad hadii uu qaban waayo doorashada Madaxwaynaha oo ku beegnayd 28/3/2017 waxaase hubaala in ay maanta hortaalo Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Maxkamadii uu Taagayay Madaxwayne Siilaanyo haduu qaban waayo Doorashooyinka . Qalinkii; Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle . Gabiley Somaliland.
Related posts:Ciidamada Dab Damiska Oo Ku Guulaysay In Ay Soo Saaran Maydka Wiil Dhalinyaro ah Oo Ku Dhacay Ceel B... DAAWO;-Aas Qaran Oo Magaalada Hargaysa Loogu Sameeyay Marxuum Xil Axmed Xaashi Oo Katirsanaa Golaha ... Safarkii Guusha Somaliland Ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) . War-murtiyeed Maayarka ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|