|
|||||
WAJAALE NEWS
Cali Mareexaan oo Madaxweynaha Somaliya Ku Eedeeyay In Uu Ka Shaqaynayo Sidii Uu Xumayn Lahaa Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya
December 22, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (WJN)- Wasiirkii hore wasaarada Hawlaha guud dhulka iyo Guryaynta Xukuumadii Siilaanyo Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulka Xamar in mudadii labada sano ahayd ee uu hayay xilka dalkaasi uu kala fogeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, Isagoona sheegay in Farmaajo uu ka shaqaynayo sidii uu xumayn lahaa xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Ex Wasiir Cali Mareexaan ayaa sidoo kale ka hadley kulankii ay maalintii shalay ahayd magaalo ganacsiyeedka Tog Wajaale ee xadka labada dal ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Dhinaca kale Cali Mareexaan ayaa ka hadley wararka sheegaya in uu damac kaga jiro Guddoomiyenimada xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye oo uu soo dhow yahay shirweynihiisii. Halkan hoose ka daawo muuqaalka Related posts:War-Deg-Dega:Maayarkii Degmada Xariirad Oo Geeriyooday Iyo Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Ba... Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Oo Tababar Ku Saabsan dacwadaha ka yimaada doorashooyinka u Fura... Maayarka Laascaanood Oo Ka Warbixiyay Waxqabadkii Maamulkiisa Sadex Sano iyo Dakhligooda:-Q2aad COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|