Aroos ka yaabiyey bulshada dalka Kenya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aroos ka yaabiyey bulshada dalka Kenya
December 14, 2018 - Written by Reporter:

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay aroos aad usoo jiitay bulshada ku nool dalkaas.

Tom Mako, oo 27 sano jir ah ayaa hal xaflad ku guursaday laba xaas.

Haweenkan ayaa waxay wax ka bartaan mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla gudaha dalka Kenya.

.

Ninkan oo ah ganacsade ka soo jeeda maamulka Kajiado, ayaa la aqal galay Elizabeth Simaloi, oo 25 sano jir ah iyo Joyce Tiko iyan, oo 23 sano jir ah.

Waxaa jira warar sheegaya in arooska uu ka dhacay kaniisadda, taas oo la sheegay indiinta masiixiga ah ay ka soo horjeeddo.

.

“Guurkayga kaniisadda iyo dhaqanka midna shaqo kuma laha. Waxaa jira dad farriimo been abuur ah ku baahinaya baraha bulshada”

“Daacad ayaan labadayda qoys u ahay maxaa yeelay uma baahan doono inaan guursado mid saddexaad. Waxaan aaminsanahay inay labadan igu filanyihiin.”

.

Labadan dumar ayaa sheegay in ay seygooda jecel yihiin ayna ku faraxsan yihiin.

.

“Waa seygeenna, waxaana go’aansannay inan samayno waxa uu jecel yahay” ayey tidhi Tikoiyan.

COMMENTS
LINKS