Af-hayeenkii Daacish-ta Afghanistan oo La Dilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Af-hayeenkii Daacish-ta Afghanistan oo La Dilay
December 28, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Dowladda Mareykanka ayaa ku warramaysa inay horumnar ka sameysay dadaallada ay ku cidhibtirayso kooxda Daacish ee Afghanistan,iyada oo xaqiijisay in afhayeenkii kooxdaas lagu dilay duqeyn uu Mareykanka fuliyey.

Sarkaal milatari oo Mareykan ah ayaa khamiistii sheegay in Sultan Aziz Azam axaddii lagu dilay gobolka Nangarhar. Sarkaal kale oo ka tirsan Daacish ayaa sidoo kale lagu dilay duqaynta.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afghanistan ayaa goor sii horeysay u sheegay VOA in Azam iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa la dilay.

Afhayeenka ayaa sheegay in Azam uu mas’uul ka ahaa inuu kooxda Daacish u qoro dagaalyahannada fuliya weerarada miisaanka culus ee ka dhanka ah shacabka.

Warka ku saabsan dilka Azam ayaa yimid Iyada oo warbixin uu soo saaray Pentagon-ka lagu sheegay in Daacish ay gobolka Nangarhar kula kulmeen khasaare nafeed, mid hoggaan iyo mid dhuleed.

 

Source: VOA SOMALI

COMMENTS
LINKS