Xukuumadda Somaliland oo Shir ku Wajahan Maalgashiga Dalka ku Qabanaysa Nairobi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland oo Shir ku Wajahan Maalgashiga Dalka ku Qabanaysa Nairobi
November 27, 2018 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Xukuumadda Somaliland oo kaashanaysa  Wakiilkeeda u fadhiya Kenya, ayaa shir la xidhiidha dhinaca maalgashiga ku qabanaysa Jimcaha  magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu baahiyey maanta   Wargeyska  East African Business Week , oo laga leeyahay  Ugunda, warkaasina wuxuu u dhignaa sidan:-

“Somaliland waxay diiradda saaraysaa inay maalqabeennada  Kenya iyo kuwa bariga Afrika, ay maalgashadaan  Hargeysa iyo Berbera.

Shirkan maalgashiga  Somaliland ee Nairobi,  waxa kaloo lagu soo qaadi doonaa qaddiyada aqoonsi raadinta Somaliland.

Warku wuxuu intaas ku daray  masuuliyiin sar-sare oo ka kala tirsan dawladaha Somaliland iyo Kenya ay isweydaarsan doonaan fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.

Xafiiska Wakiilka Somaliland ee Nairobi ayaa si dhow ugala shaqeynaya isbahaysiga shirkadaha madaxa-bannaan ee Kenya inay taageeraan sidii maalqabeennada  waddankaasi  u maalgashan lahaayeen Somaliland.

Shirkan lagu qabanayo   Kenya ayaa noqonaya kii   ugu ballaadhnaa ee dhinaca maalgashiga ku wajahan ee Somaliland ku qabato Afrika, waxana ka hadli doona Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Maxamuud Xasan Sacad iyo dhigiisa Kenya,  Peter Munya.

Wakiilka Somaliland ee Kenya, Baashe Cawil Cumar, ayaa caddeeyey inay doonayaan  in baddeecadaha Kenya soo saarto loo dhoofiyo Somaliland, si Somalilandna  xoolaha nool u dhoofiso Kenya.

“Iskaashiga Somaliland iyo Kenya wuxuu kor u qaadayaa ganacsiga labada dal.Waxa kaloo aanu ka wada shaqeyn doonaa horumarinta ammaanka mandaqada, waxaanu xoojinayaa iskaashayagu boqolaal dhallinyaro oo raadinaya fursado maalgashi iyo waxbarasho,”ayuu yidhi Baashe Cawil.

Wargeyska East African Business Week, wuxuu weriyey in shirkan Nairobi lagu wado inuu ka soo qaybgalo Ra’iisul-wasaarihii hore ee Kenya, Raila odinga, oo hormuud u ah dadka daneeya in Kenya aqoonsato Somaliland.

Waxa kaloo shirka maalgashiga ka soo qaybgeli doona shirkadaha Somaliland oo ay ka mid tahay shirkadda Dahabshiil oo hormuud u ah  shirkadaha xawilaadaha lacagaha ee Afrika.

 

Source: Wakaalada Wararka Somaliland Ee SOLNA

COMMENTS
LINKS